Home > 10001, TFG Somalia > Muqdisho:Xukuumadda oo xaflad u sameysay Dib u helidda dhulka Safaaradda dalka ee Kenya. SAWIRRO

Muqdisho:Xukuumadda oo xaflad u sameysay Dib u helidda dhulka Safaaradda dalka ee Kenya. SAWIRRO

Sunday, December 19, 2010

L

aaska News December 19,2010.

 

 

 

 

 

Muqdisho(RM) Dec.18,2010.Xukuumadda KMG ee Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed gu hambalyeysay dib u helidda dhulkii safaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo horay loo iibsaday.
Xaflad manta lagu qabtay Xafiiska R/wasaaraha oo ay goob jog ka ahayeen R/wasaarare maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo inta badan wasiirrada Xukuumadda iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya Maxamed Cali-nuur Ameriko ayaa hambalyo ballaran loogu jeediyay dhamaan dadkii gacan ka geystay dadaalka guuleystay ee dib loogu helay dhismaha Safaaradda.

Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibadda  Maxamed Cali Xaamud oo golaha hortooda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in guushaas aysan u kala harin shacabka Soomaaliyeed ayadoo si gaar ah ay mahad u leeyihiin Safiirkii Hore ee furay dacwaddaan iyo Danjire Ameeriko oo kaashaday dadka Soomaaliyeed oo si guud u wada muujiyay geesinimo mira dhashay.

Sidoo kale Wasiiru Dowaha Xafiiska R/wasaaraha Marwo sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in xukuumaddan guulaha ay ku bilaabatay ay ka mid tahay dib u helidda dhulka safaaradda Kenya, ayadoo u mahad celisay Shaqaalaha iyo masuuliyiinta safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay guushii ay Soomaalida oo isku duuban gaareen bilowgii bishaan oo ay heleen dhulkii safaaraddooda, wuxuuna taariikh ku sheegay in calankii Soomaaliyeed laga taagay muddo dheer kaddib dhismaha safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Kenya.

 

 

 

 

Safiir Ameeriko ayaa sheegay in Safaaraddu ay dadaal sameysay ayadoo garab ka heshay dhamaan Bulshada ku nool Kenya, gaar ahaana wuxuu u hambalyeeyay Abuukaatihii la shaqeeyay oo dowr muhiim ah qaatay, Allaha u naxariistee Safiirkii dacwada safaaradda furay sanado ka hor iyo Qunsulka iyo shaqaalaha safaaradda oo uu sheegay in ay shaqo xooggan qabteen xilligii loo halgamay in dib loo helo safaaradda.

Ugu dambeyntii danjire Ameeriko wuxuu Dowladda ka codsaday in loo dayactiro dhismaha Safaaradda si ay ugu shaqeeyaan maadaama hadda safaaraddu ay ku shaqeyso guri Kiro ah.

 

 

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo  ayaa gabagabadii xafladda ka sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay wada qeyb sanayaan guusha ay soo hoysay Safaaradda uu dalku ku leeyahay Kenya iyo waliba dadka u istaagay arrintaasi, wuxuuna baaq u diray dadka isku dayaya in ay qaataan Hantida Umadda Soomaaliyeed.

 

“Qofkii ku fekerayay in uu qaato Hantida Qaranka Soomaaliyeed farriin ayay u tahay arrintaani” ayuu yiri R/wasaaraha oo u hambalyeeyay Danjire Ameeriko iyo dhamaan dadkii ka qeyb qaatay dadaalka lagu helay Dhulka safaaradda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

RM.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com