Home > WARARKA > Qarax ka dhacay Kenya,Sawiro

Qarax ka dhacay Kenya,Sawiro

Monday, December 20, 2010

Laaska News December 20,2010.

Nairobi,Kenya. Wararka laga helayo Nairobi ayaa sheegaya in Qarax ka dhacay Bus u socday Kambala ee wadanka Uganda,
qaraxan ayaa dhacay sida ay warbaahinta wadankaasi sheegtay waqti ay dadku  korayeen  gaariga,meel ah badhtamaha Nairobi,sida ay qortay Nation.
Waxaa la sheegay dhimasho labo qof ah iyo dhawr iyo afartan dhaawac ah.
Labada qof ee dhintay ayaa midi yahay qof dumar ah oo dhaawac ku dhimatay,halka qofka kale loo malaynayo inuu yahay qofkii waxa qarxay sitay.

.

Warar kale ayaa sheegaya in 3 qof dhinteen.

.
Nin u hadlay shirkadda basaska ayaa sheegay in qaraxu uu dhacay kadib markii dadku faylka koritaanka ku jireen.

.

.

 

.
Waxaa kale oo uu ku daray 3 nin ayaa siday sanduuqa ay ku jireen waxyaalaha qarxay,kuwaas oo isku dayay inay xoog ku koraan buska,halkaana Booliska laysku haleelay.

.

.

.

.

.

Waxaa kale oo lagu soo waramaya in Booliska ugandaay heegan ka galeen in qaraxyo lala beegsado ciida Gaalada.

.

Laaska News.