Home > DJibouti, WARARKA > Djibouti:Banaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Jabuuti oo Jabuuti ka dhacay

Djibouti:Banaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Jabuuti oo Jabuuti ka dhacay

Saturday, December 25, 2010

Laaska News December 25,2010.

DJibouti (RM)Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay ka qeyb galeen madaxda dalkaasi ayaa maanta ka dhacaymagaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Kumanaan dadweyne ah oo isugu baxay magaalada Jabuuti ayaa dalbanayay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu sii hayo xilka madaxweynanimo ee waddankaasi, waxaana la hadlayay bannaan baxayaasha Madaxweyne Geelle iyo R/wasaare Dileeta Maxamed Dileeta.

Banaan baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo muujinaya taageerada ay u hayaan madaxweynaha Jabuuti ISmaaciil Cumar Geelle, ayagoo soo qaatay Boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ku wajahan Madaxweyne Geelle iyo wax qabadkiisii muddada uu xilka hayay.

RM.

Laaska News.