Home > SOMALIA, WARARKA > Bosaso:Shil gaari oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Boosaaso

Bosaso:Shil gaari oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Boosaaso

Thursday, December 30, 2010

Laaska News 30 December 2010

(Bosaso-RM)Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso.

Shilkan gaari ayaa waxa uu ka dhacay meel Sodon Kilo Mitir dhanka Koofur kaga beegan magaalada Boosaaso, waxaana halkaasi ku geeriyooday hal qof oo rayid ah halka Afar kale oo ka tirsanaa ciidamada oo uu ka mid ahaa Taliye ku xigeenka Booliiska degmada Ufeyn ee Gobolka Bari ay ku dhaawacmeen, kaas oo lagu magacaabo Salaad Jaamac Saciid, sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Ufeyn Maxamuud Muuse Xuseen.

Gaarigani ayaa ahaa gaari ay lahaayeen ciidamada maamulka Puntland, waxaana dadkii ku dhaawacmay la dhigay Cisbitalka magaalada Boosaaso halkaasi oo lagu daweeynayo.

Inta badan shilalka ka dhaca wadooyinkaasi ayaa lala xiriirinyaa wadayaasha gaadiidka oo xowli dheereeya ku kaxeeya gaadiidka, kuwaas oo an inta badan laheyn khibrad wanaagsan, iyo wadooyinka oo aan in mudo ah helin dayactir wanaagsan.

RM.

Laaska News.