Home > TFG (A+), TFG Somalia > Muqdisho:Wasaaradda Qorsheynta oo soo bandhigtay Himilada Qarniga-SAWIRRO

Muqdisho:Wasaaradda Qorsheynta oo soo bandhigtay Himilada Qarniga-SAWIRRO

Thursday, December 30, 2010

Laaska News  December 30,2010

Muqdisho(RM)-Qorshahan ay maanta(Dec 29) soo bandhigtay wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa waxa uu ku saabsanaa himilada  Hurumarka qarnigan ee dowladda Soomaaliya kaas oo qeyb ka ah qorsheyaasha caalamiga ah ee qaaradda afrika.

Himolooyinka la hiigsanayo  wasaaraddu  waxay ku  soo bandhigtay kaddib kulan aqoon isweydaarsi ah oo ay u qabatay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha  xukuumadda Somaliya oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiiradda xukuumada Somalia.

Himilada la hiigsanayo qarnigan ee ay soo bandhigtay wasaaradda qorsheynta waxaa ka mid ah wax ka qabashada cudurradda faafa sida AIDS-ka Iyo Malaria-yada,  wax ka qabashada Caafimaadka Hooyada Xiliyada ay uurka leedahay iyo marka ay dhasho, horumarinta waxbarshada gaar ahaan haweenka iyo carruurta iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka ,sida uu sheegay  wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga oo arrintan sharaxaya.

Mudane C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in qorshahaan rajo wanaagsan laga qabo in ay fulinteeda lagu guuleysto.

This slideshow requires JavaScript.

PHOTO BY ABDIKADAR ATOOSH

Source: RM.

Laaska News.