Home > TFG Somalia, WARARKA > Muqdisho:Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Abaaraha

Muqdisho:Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Abaaraha

Friday, December 31, 2010

 Laaska News December 31,2010

Muqdisho(RM)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh.Axmed ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo wadamada caalamka inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira gudaha dalkeena.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sanadkani aysan sidii la filayay u da’in Roobabka islamarkaasna ay dadku mcluul u dhimanayaan halka ay xoolo badan u geeriyoodeen abaaraha ka jira gobollada dalka, isagoo intaasi ku daray inay arrintaasi Qatar ku tahay Shacbiga Soomalaiyeed.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa ugu baaqay hayadaha, Ganacsatada, qeybaha kala duwan ee Bulshada  iyo  wadamada caalamka inay gargaar u fidiyaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan abaaraha ka jira dalka.
Waxa uu Madaxweynuhu farta ku fiiqay in shacbiga Soomaaliyeed ay isugu darsoomeen abaaro iyo Colaado waxa uuna alle uga baryay inuu ka badbaadiyo dhibaatada abaaraha,isagoo u sheegay xukuumadda Soomaaliya in laga doonayo inay guddi gurmad ah usaarto goobaha ay abaaraha ka jiraan.

Madaxweyanaha ayaa dalbaday in sidii sanadihii 2005-2006-dii loogu gurmaday abaarihii ka jiray Gobollada koofureed qaarkood in loogu gurmado shacbiga, waxa uuna xusay  inay jiraan waxyaabo loogu talo galay dadka ay saameeyeen abaaraha.

Dhowaan ayeey aheyd markii uu R/wasaruhu ku amray Wasiirka wasaradad arriamaha gudaha iyo amniga qaranka inuu guddi ka kooban 5 Xubnood u saaro sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaarahu.
.

RM.

.

Laaska News.

https://laaska.wordpress.com