Home > WARARKA > Burcad badeedda oo afduubatay markab watay calanka dalka Al-jeeriya

Burcad badeedda oo afduubatay markab watay calanka dalka Al-jeeriya

Sunday, January 2, 2011

Laaska News Sunday, 02 January 2011 

Muqdisho(RM)-Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida ayaa qabsaday markab watay calanka dalka Al-jeeriya oo ka soo baxday dalka Cumaan.

Markabkaan oo lagu magacaabo MV Cargo Shib ayaa laga qafaashay meel 150 nautical miles u koofur bari kaga beegan dekadda Salalah oo ku taalla dalka Cuar sida ay ku warameen ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan la dagaallanka Burcad badeedda.

Shaqaale gaaraya 27 qofood oo u kala dhashay Al-jeria, Ukrine iyo Filipine ayaa ku sii jeeday xeebta Daarasalaam ee dalka tanzania, wuxuuna sidaa qalab dhisme oo cules ahaan gaara 20,586 ton.

RM.
Laaska News.