Home > TFG Somalia, WARARKA > Jen. Gaafoow: “Dalalka Yurub ayaan ka fureynaa xarumo laga qaato Baasaboorka”

Jen. Gaafoow: “Dalalka Yurub ayaan ka fureynaa xarumo laga qaato Baasaboorka”

Sunday, January 2, 2011

Laaska News Sunday, 02 January 2011.
Warka Dalka

Muqdisho(RM)-Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha janaral C/laahi Gaafoow Max’uud oo saxaafadda  kula hadlayey xafiiskiisa   Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlaha xilligan horyaala iyo codsiyo kaga imaanaya jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Yurubta ku dhaqan.

Janaral C/laahi Gaafoow ayaa xusay in ay ku dadaalayaan sidii ay shacabka Soomaaliyed uga haqab tiri lahaayeen helidda Baasaboorada Electoronikada ah ee dalku leeyahay maadaama ay jiraan dalal badan oo ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ku dhaqan yihiin  kuwaasi oo si aad ah u doonaya in ay helaan Baasaboorkan cusub.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in haatan ay qorsheynayaan in xarumo cusub oo laga helayo Baasaboorka  laga hergerlin doono qaar badan oo ka mid ah dalalka Yurub sida Holland iyo xarunta midowga yurub ee Barasalis.

“kaddib markii aan is aragnay aniga iyo safiirka noo fadhiya Talyaaniga ahna safiirka Midowga Yurub noo qaabilsan, waxaan isla garanay in xarumo cusub laga furo dalalka Yurub qaarkood” ayuu yiri.

Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Gen, C/aahi Gaafow Max’uud ayaa daboolka ka qaaday in dalka Koonfur Afrika ay dhibaato badan ka taagan tahay  oo ay la kulmaan ganacsatada Soomaaliyeed boob, Jirdil iyo Dil,  loona baahan yahay in dadkaasi ay helaan Adeeg Dimlomaasiyadeed.

“Dadkeena ku nool Koofur Afrika waxaa loo geystaa falal Dil, Dhac iyo jirdil ah, waxaan Dowladda ka codsaneynaa in ay safaarad ka furto halkaasi, si dadka ay u halaan masuuliyiin u doodda, annagu Baasaboorka ayaan gaarsiin doonaa” ayuu yiri Taliyuhu.

Dhinaca kale janaral Gaafow ayaa shaaciyey in 1-dii bishaan oo ku beegneyd maalinkii shalay gebi ahaanba la joojiyey Baasaboorkii hore ee cagaarka ayna jirin cid kaga dhooftay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kaddib markii ay amar ka soo saareen oo ku saabsan in ku dhoofitaanka Baasaboorkii hore la mamnuucay islamarkaana aan garoonka caalamiga Aadan  Cadde looga dhoofi Karin.

RM.
Laaska News.