Home > ALL DARWIISH NEWS, TFG Somalia > Xildhibaanada Dawlada Somalia: “dadka abaaruhu ku sameeyeen Sool iyo Sanaag ha loo gurmado”

Xildhibaanada Dawlada Somalia: “dadka abaaruhu ku sameeyeen Sool iyo Sanaag ha loo gurmado”

Sunday, January 2, 2011

Laaska News Sunday, 02 January 2011
Waka Abaaraha

Muqdisho(RM)-Mudanayaal ka tirsan baarlamanka soomaaliya oo ka soo jeeda gobalada sool iyo Sanaag ayaa ugu baaqay Dowladda KMG, Beesha caalamka iyo hayadaha samaflka in ay gurmad dag dag ah u fidiyaan dadka ay saameyeen abaarata eek u nool gobolladaasi.

Xildhibaan ibraahin maxamed deeq oo ka mid ahaa xildhibaanadaas ayaa sheegay in  abaaro daran ay jiraan deegaanada hoos taga Gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada.

Dowladda Federaalka ayaa u diray baaqa ah in ay u gurmadaan dadkaasi Soomaaliyeed ee dhibaateysan isagoo ganacsatada Soomaaliyeed iyo Hay’adaha samafalka si gaar ah uga codsaday in ay dowrkooda ka qaataan arrintaasi.

Xildhibaanada maanta ku shiray Muqdisho waxay sheegeen in aysan jirin cid wali u istaagtay samata bixinta dadkaasi dhibaateysan, ayagoo sheegay in ay wali ku jiraan xaalad aad u halis badan.

RM.
Laaska News.