Home > TFG Somalia > Muqdisho – Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Oo qaabilay Dr. Augustina Mahiga

Muqdisho – Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Oo qaabilay Dr. Augustina Mahiga

Tuesday, January 4, 2011

Laaska News January 4,2011.

.

Muqdisho (RM) Madaxweyaha Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa  Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaar ka ah ee Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustina Mahinga iyo Wafdi uu hogaaminayo  oo goordhow soo gaaray magaalda Muqdisho.

Xubnahan uu hogaaminayo  Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Dr. Augustina Mahinga ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya mudane  Sh. Shariif Sh. Axmed  iyo Raisul wasaare Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxayna kulankooda kaga hadleen arimo ku saabsan xaalada dalka iyo sidii uu u muuqan lahaa doorka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Gabagabadii kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isal wasaaraha iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa saxaafada si wadajir ah ula hadlay Dr. Mahinga iyo Ra’isal wasaare Farmaajo.

Dr. Mahinga ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul wasaaraha  uu ahaa mid xasaasi oo ay is dhaafsadeen fikrado ku aadan sidii looga faa’iideysan lahaa mudada kooban ee u hartay dowlada KMG ah ee Soomaaliya  iyo waxa xiligan u qorshaysan dowlada, maadaama la Sanad cusub, islamarkaana dowlada looga fadhiyo in ay wax ka qabato arrimo xiliga yare e u haray.

.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo isna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Dr. Mahinga booqashadiisa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay ka wada hadleen arimo quseeya Soomaaliya iyo sidii loo hirgelin lahaa loogana faa’iideysan lahaa Waqtiga yar ee u haray dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo sidii gargaarka bini aadanimo loo gaarsiin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen eek u sugan gobolada dalka, maadaama xiligan dad badan oo Soomaaliyeed ay dhibaato ku haysato  meelo ka mid ah Soomaaliya

Intii uu socday kulanka Madaxda dalka iyo Ergayga gaar ka ah  ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr. Augustian Mahinga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya General. Nathin Magusha  iyo Xubno kale oo ka tirsan Wafdiga Ergayga Qaramada Midoobay, waxaana Xubnahaasi markii uu soo idlaaday kulamadoodi kadib ay dib ugu laabteen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaas oo ay markii ka yimaadeen.

.

.

.

.

.

.

.

.

.

 

 

 

.
RM.

.
Laaska News.