Home > SOMALI NEWS, TFG Somalia > Yemen: Muhaajiriin Soomaali ah oo badda lagu la’yahay

Yemen: Muhaajiriin Soomaali ah oo badda lagu la’yahay

Tuesday, January 4, 2011

Laaska News January 4,2011  

(RM) Sida ay sheegeen maamulka dalka Yamen ugu yaraan 80 ruux oo muhaajiriin African ah ayaa laga cabsi qabaa in ay geeriyoodeen  kaddib markii doowaan Doonyo ay ku safrayeen ay kula degtay xeebaha dalka Yamen.

Doonta koowaad oo  ay saarnaayeen 45 ruux oo badankooda  ka soo jeeda dalka Ethiopia ayaa ku degtay biyaha badda cas sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Saba.

Sidoo kale 3 ruux oo  la rumeysan yahay in ay Soomaali yihiin ayaa la helay iyaga oo bad qaba kuna sugan xeebaha dalkaasi Yemen.

35 ilaa 40 mahaajiriin ah  oo saarnaa doonida labaad ayaa lagu la’ yahay xeebaha gobolka Al Laxag halkaas oo ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen ay ka baadi goobayaan sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Yemen.

Inta badan dadka doonyaha la socday ayaa lagu sheegay in ay yihiin carruur iyo haween, lamana sheegin inta Soomaali ka ah dadkaasi hase ahaatee waxaa saraakiishu sheegeen in ay Ethiopian u badnaayeen.

Dalka Yemen ayaa waddo u ah dadka muhaajiriinta ah ee  qaaradda Africa ka qul quleya kuna  sii jeeda waddamo ka mid ah bariga dhexe waxaana dowladda Yemen ay dhowr jeer isku dayday in ay wax ka qabato.

Horay hay’adda caalamka u qaabilsan dadka socotoda ah ayaa sheegtay in  ku dhowaad 30 muhaajiriin Soomaali ah ay rafaaad iyo jirdil loo geestay ugu geeriyoodeen inta u dhexeysa xudduudaha ay wadaagaan wadamada Yemen iyo Sacuudiga.

RM.
Laaska News.