Home > TFG Somalia, WARARKA > Muqdisho:R/wasaare Farmaajo oo maanta ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha xafiiska R/wasaaraha- SAWIRRO

Muqdisho:R/wasaare Farmaajo oo maanta ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha xafiiska R/wasaaraha- SAWIRRO

Wednesday, January 5, 2011

Laaska News Wednesday, 05 January 2011

 

Somali PM. M.A. Mohomed – Mogadishu,Somalia.

 

Muqdisho (RM) Munaasabad ay Xilalka kula kala wareegayeen Agaasimhii hore iyo Agasimaha cusub ee xafiiska R/wasaaraha Soomaliya oo uu ka qeybgalay R/wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta lagu qabtay magaalaad Muqdisho.

 

Munaasabadani oo uu xilka kula wareegayay Agaasimaaha cusub ee xafiiska R/wasaaraha Mudane Abuukar Daahir Cusmaan oo loo yaqaano Abuukar Baal islamarkaasna uu xilka ku wareejinayay Agaasimhii hore ee xafiiska R/wasaaraha Suudi Saciid Suudi ayaa barqonimadii maanta lagu qabtay Xafiiska R/wasaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadani ka soo qeybgalay R/wasaaraha Soomalaiya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Wasiiru Dowlaha xafiiska R/wasaaraha Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soojmaaliya Eng c/raxmana Cumar Cusmana Yariisow, saraakiil sarsare iyo howlwadeennada xafiiska R/wsaaraha.

 

 

Ugu horeyntii ayaa waxaa munaasabada hadal kooban ka jeediyay Suudi Saciid Suudi Agaasimhii hore ee Xafiiska R/wasaaraha isagoo tilmaamay in uu si aad ah ugu faraxsanayahay inuu xilkii uu horay u hayay ku wareejiyo Agaasimaha cusub ee xafiiska R/wasaaraha waxa uuna ka codsaday hay’adaha dowladda inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Agaasimaha cusub.

 

 

 

Sidoo kale waxaa munaasabada hadal ka jeediyay Agaasimaah cusub ee xafiiska R/wasaaraha Mudane Abuukar Daahir Cusmaan oo ku magac dheer Abuukar baal waxa uuna uga mahadceliyay R/wasaaraha Soomaliya sida wanaagsan ee uu ugu dhiirigeliyay inuu dib ugu so laabto gudaha wadanka,waxa uuna sidoo kale uga mahadceliyay Agaasimihii xilkaasi uga horeeyay howshii uu soo qabtay.

 

 

R/wasaaraha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo jeediyay hadalkii ugu dambeeyay ee Munaasabaadda Xilwareejinta ayaa ku amaanay Agaasimhii hore ee xafiiskiisa Suudi howl karnimadii uu muujiyay mudadii uu ku shaqeynayay xilkiisa isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in Agaasimaha cusub uu si hufan u gudan doono waajibaadkiisa loo igmaday, waxa uu R/wasare farmajo intaasi raciyay in Shaqada Dowladnimo ay tahay mid isbedbedeleysa waxa uuna ka codsaday dhammaan wasaaradaha kala duwan ee dalka iyo howlwadeennada xafiiskiisa inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Agaasimaha.

 

Wa markii ugu horreysay ee agaasime guud  loo magaacabo xafiiska R/wasaraha kaas oo bedelay Agaasimihii hore ee xafiiskaasi tan iyo markii la magacaabay R/wasaaraha xukuumadda Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

.

 

 

 

 

 

 

 

 

 


RM.

 
Laaska News.