Home > Baarlamaanka Soomaaliya, WARARKA > Muqdisho:Gudoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay

Muqdisho:Gudoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay

Friday, January 7, 2011

Laaska News Friday, 07 January 2011


 
(RM) Gudoomiyaha Barlamanka  iyo wafdi uu hogaaminayay oo maalmihii u danbeeyay booqasho shaqo ku joogay wadanka Iran ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa barqanimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada KMG ah.

Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Mudanayaal ka tirsan Barlamanka Soomaaliya iyo Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya.

Shariif Xasan Sh. Aadan Gudoomiyaha Barlamanka oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa ka wabixiyay wadahadaladii uu la yeeshay Mas’uuliyiinta dalka Iran,” waxan ku heshiinay in Iran ay Dowlada KMG ka caawineeyso arimaha Amaanka, la dagaalanka Maleeshiyaadka Shabaab, iyo taageero dhan walba ah, “ayuu yiri Shariif Xasan Sh. Aadan

Waxa uu sidoo kale xusay in magaalada Nairobi uu wadahadallo kula yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka waxa uuna gudoomiyuhu tilmaamay in uu kala hadlay arimaha Soomaaliya iyo taageerada Dowlada.

Safiirka Gudoomiyaha ayaa ka danbeeyay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalkaasi Iran, waxa uuna gudoomiyuhu tilmaamay safarkiisa in uu kusoo dhaamaday guul.

.

 RM.

Laaska News.