Home > SUDAN, WARARKA > Sudan:Warbixin ku saabsan Aftida ka bilaabatay K/Sudan

Sudan:Warbixin ku saabsan Aftida ka bilaabatay K/Sudan

Sunday, January 9, 2011

Laaska Newes Sunday, 09 January 2011 

 
Muqdisho (RM) Maanta oo ay taariikhdu tahay 09.11.2011, koofurta Suudaan waxaa ka bilowday Afti loo qaadayo in ay ka mid ahaadaan Dalweynaha Suudaan ama ay noqdaan dal ka madax banaan oo gooni u istaaga.

Tallaabadaan waxay soo socotay muddo dheer, waxaana ka soo shaqeeyay Madaxweynaha Suudaan oo heshiisyo la galay mucaaradka qaarkood oo diyaariyay aftida iyo waliba beesha caalamka oo goob joogayaal u dirtay koofurta Suudaan, ayadoo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ay ku sugan yihiin Koofurta oo ay ku dhinteen laba milyan oo qof intii ay xasaraduhu socdeen.

Haddaba taariikh kooban oo ku saabsan heshiisyada iyi dagaalada  ayaan halkaan idiinkugu heynaa, waxayna u dhaceysaa sidan:-

1955: waa markii ugu horeysay billowgii mucaaradnimada gooni u goosadka oo ay wadeen kooxo kirishtaan ah oo ka soo horjeeda in xukunka la siiyo waqooyig xili  xurmimada Sudan ay hal sano ka  dhinneed

– January 1, 1956: Sudan, waxa ay xurnimadeeda ka qaatay gumeestihii Ingiriiska iyo dowladda Masar oo waqooyiga maamuleysay

– 1972: heshii nabadeed ayaa  khartuum iyo   koofurta ay ku kala saxiixdeen   adis abab taas oo dhamaad u eheed dagaal 17 sano socday  , waxaana maamul goboleed la sii yaya koofurta

– 1983: Madaxwenyne Jacfar Numeyri ayaa go’aan ku gaaray in shareecada islaamka maamulka kofurta lagu xakumo waxaana taasi ay keentay falaago cusub oo koofurta ka dhalata ka dib 11 sano oo nabad ay jirtay

Korneelka fallaagoow ee korneel John Garan ayaa aas aasay kooxda SPLA

Omar al-Bashir   oo 1989 xilka la wareegay ayaa wax ka qabtay jabhadeynta

1995 mucaaradka dhinaca waqooyiga ayaa waxa ay la midoobeen jabhadii koofureed si ay ula dagaalamaan dowladda sudan

Sanadii 2005ta  Janaayo 9 keedii ayaa labada dhinac waxa ay saxiixdeen  heshiis xabad joojin ah oo dowladda Mareykanka ay dalaal ka aheyd taas oo muddo lix sano koofurta sii siisay ismaamul goboleed oo ay danbeyn doonto Afti hase ahaatee dagaal halkaasi ka dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan laba Million ruux

July 9 ayaa John loo dhaariyay Madaxweyne ku xigeen , isdoo kale July 30 keedii ayaa John oo 21 maalmood xilka haya uu ku geeriyooday shil diyaaradeed waxaana bedelay Silva Kiir

20 setember  dowlad mid nimo qaran ayaa lagu dhawaaqay ka dib todobaadyo dagaal qaraar ah

Bishii October 22  ayaa qaabeeyay maamul dowladeedka koofurta

2007da muucaaradkii hore ee koofurta ayaa ku biiray dowladda midnimada Qaran inkastoo laba bil kadib ay heshiiska ka bexeen sabab la xariira muran qaabka loo dhaqan gelinayo heshiiska nabadeed

Sanadii 2008-di dagaal ayaa ka dilaacay gobolka Abyee kaas oo Qatar geliyay hanaankii nabadda, waxaana ku geeriyooday tobonaan ruux iyo barakaca 50,000

. 2009  july 22 ayaa   Maxkamadda Heyg yareysay xuduudaha gobolka Abyee waxa ayna qaabeysay Aftida koofurta ee maanta la tagaan yahay.

December 29 keedii waxaa la hirgeliyay sharciga Aftida, waxaana ka danbeeyay qalalaaso qabaa’ileed oo ay ku geeriyoodeen 2,5000 taas oo horseeday dagaal muddo sanad ah qaatay.

2010 bishii April 11 ilaa 15 keedii ayaa doorashadii ugu horreysay oo ka qeyb galaan xisbiyo badan ayaa ka dhacday koofurta tan iyo sanadkii 1986 dii

July 11 keedii Khartuum iyo Juba ayaa bilaabay wada hadalo ku saabsan arimaha aftida gaar ahan amaanka, muwaadin nimada, dhaqaalaha iyo xushmeynta heshiisyada caalamig ah

24 ki bishii September xukuumadda Khurtuum ayaa sheegtay in ay aqbali doonto natiijada codadka ka dib baaq ka soo baxay madaxda caalamka oo ku aadanaa in aftida si nabad gelyo ah u dhacda iyo waqtiga loogu tala galay

October 2010.  Mr. Kiir ayaa cafis u fidiyay dagaal yahanada  mucaaradka ah isagoo sheegay in uu la heshiin doono mucaaradkiisa ugu weyn ee dhinaca Siyaasadda kaas oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Caddaaladda Mr. Lam Akol, ayadoo bishii Janaayo ee isla sanadkaas ay Qaramada Midoobay baahisay in 900 oo qof ay ku dhinteen qalalaase ka dhacay koofurta.

Bishii November 15 illaa December 8 deedii, Codbixiyayaasha ayaa isu diiwaan geliyay aftida.

December 13: Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in gobolka Abyei oo saliidda hodon ku ah uusan qeyb ka noqon doonin aftida, waxayna dhinacyada ku boorrisay in ay sii wadaan ka shaqeynta xalka gobollada xuduudahooda lagu muransan yahay.

Xigasho: Warbaahinta Suudaan.

Qabaa’ilaadka Dega Dalka Suudaan iyo Tiradooda.

 

Woqooyiga Suudaan:

Carab: 48%.

Nubiyain: 8%

Beja: 6%

Fuur: 2%

Sakaawe: 1%

Koofurta waddanka.

Dink:  11%

Nura:     5%

Asanda: 3%

Bari:        3%

Anwaak ama Shilnk: 3%

FG: waxaa macquul ah in qoraalka magacyada Qabiilada ay eray ahaan si kale u qormayaan,

Xigasho: BBC.

Cabdi-Mahad Xuseen Abtidoon.

.

.

RM.

.

Laaska News.