Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Somaliland:“Hadii Aynu Nidhaa Sida K. Sudan Ha Loo Codeeyo Go’itaan Dhul-Bahante, Warsan-Gali Iyo Gadabuursi U Codayn Maayaan, Khiyaaliga Halaga Baxo Oo Gogoshaa Madaxweynaha Ha La Hirgaliyo”

Somaliland:“Hadii Aynu Nidhaa Sida K. Sudan Ha Loo Codeeyo Go’itaan Dhul-Bahante, Warsan-Gali Iyo Gadabuursi U Codayn Maayaan, Khiyaaliga Halaga Baxo Oo Gogoshaa Madaxweynaha Ha La Hirgaliyo”

Thursday, January 13, 2011

Fu’aad Aadan Cadde
Laaska News January 13, 2010

Hargeysa,   – La Taliyaha Madaxwaynaha ee gobolada bariga Fu’aad Aadan Cadde ayaa markii ugu horaysay ka digay in shacbiga reer Somaliland la yidhaa sida Koonfurta Suudaan ha u codeeyaan go’itaan, waxaanu ka dhawaajiyey in ay taasi keenayso inay meesha ka baxaan badi ahaan cododka beelaha Sool, Sanaag bari iyo Awdal, isla markaana ay beelaha dhexe inta badan u codeyn doonaan go’itaanka.

Fu’aad Aadan Cade waxa kale oo uu taageeray go’aankii madaxwayne Axmed Siilaanyo ka soo saaray shaqaaqadii Kalshaale, waxaanu sheegay in go’aankaasi ahaa mid geesinimo, isla markaana suurta galinaya in nabadi ka hana qaada deegaanadaas.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in ay tahay talaabo lagu dag dagay imtixaankii dhawaan laga qaaday shaqaalaha maaliyada, kaas oo shaqaale badan oo ka mid ahi ay shaqooyinkoodii ku waayeen, ka dib markii ay natiijadiii imtixaanka ku dhaceen.

La taliyaha madaxwaynaha ee arimaha bariga Fu’aad Aadan Cadde waxa uu sidaas ku sheegay mar xalay wargeyska Haatuf waraysi khaas ah ku siiyey khadka tilifoonka, isaga oo ku sugan Hargeysa, sidoo kale waxa uu soo dhaweeyey go’aankii nabada ee ay dhawaan isla gaadheen labadii dhinac ee ku muransanaa mudada dheer deegaanka Ceelbardaale, waxaanu sheegay in ay tahay guul taariikhi ah oo Somaliland oo dhan u soo hoyatay.

Ugu horayna Fu’aad Aadan Cade isaga oo ka hadlaya faa’iidada iyo khasaaraha Somaliland ugu jirta hadii ay noqnayso waddada koonfurta Suudaan ay u marayso in ay beesha caalamka ka mid noqoto, waxa uu yidhi “Waxaan jeclaan lahaa Mawduuca Aftida koonfurta Suudan in aad mid gaara ka dhigto, waa in Somaliland beenta iyo khiyaaliga ay ka baxdo, marka la leeyahay Somaliland wadada koonfurta Suudaan oo kale ha marto, markaa yaa huba in reer Boorama ay u codaynayaan in Somaliland gooni isku taagto, Dhul-bahante maxa laga hayaa, Warsan-gali mee, waxaan leeyahay inta aynaan gaadhinta cod qaadistaa inagu aynu is raadino oo dadka maqan ha la baadi doono, gogoshaa madaxwayne Axmed Siilaanyo fidiyey oo dadkaas lagu baadi goobayo ha la taageero. Laakiin hadii aynu is indho tirno oo aynu nidhaa sida koonfurta Sudan ha loo codeeyo go’itaan inta badan Dhul-bahante u codayn maayo, Warsan-gali-na waa la mid, Gadabuursina u codayn maayo, markaa waxa dhacaysa in meesha ay ku soo hadhaa beelaha dhexe ee Isaaqu, beelaha dhexena dadka kele inay cod ku muquuriyaan cadaalad noqon mayso, markaa waxaan soo jeedinayaa in khiyaaliga inta laga baxo in gogoshaa madaxwaynuhu fidiyeybaa wax inoo hagaajinaysee waa in la wada hirgaliyaa”.

Fu’aad Aadan Cadde mar uu ka hadlayey sida uu u arko go’aanka madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka qaatay shaqaaqadii Kalshaale, waxa uu yidhi “Adeeraw Ugu horayn madaxwaynaha aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa, qofkasta oo reer Somaliland ah oo arinkaas  ka warhayaana waa inuu u mahadnaqaaa, Madaxwayne Siilaanyo talaabo geesinimo ayuu ka qaaday shaqaaqadii beelaha walaalaha ah ku dhexmartay Kalshaale, raga carqaladaynaya go’aankaas madaxwaynahana waxaan aaminsahahay maaha kalsooni ay ka haystaan labada beelood ee Qoru-lugad iyo Buuhoodle, qolada reer Qorulugad arinkooda uma arko niman nabada diidan, kuwa Buuhoodle-na ninbaa mar walba isagu dhawaaqa, cid u jawaabta lama helo waxkasta oo khayr iyo nabad ahna wuu ka horyimaadaa waa nin wayn oo Aabihii magac iyo wanaag badan lahaa, walaalkiinaa magac wayn lahaa labaduba nabad-doono ayey ahaayeen nabada iyo masaalixa ummada ayey ka talin jireen, ninkaas meeshii walaalkii dhaxlay waa nin xumaanta uun ka shaqeeya, ninkaasi waxa uu xasuusiyey murtidii Somaliyeed ee ahayd Geeriyey maxaad tartaa, nin meel waayey ayey  meel u samaysaa, Maxamuud Xaaji Cumar Caamay, waxa uu marwalba ka taliyaa xumaanta iyo dhibaatada shacbiga, reer Buuhoodle waxay lahaan jireen laba Jiif Caaqil, midi waxa la odhan jiray Alle ha u naxariistee Xasan Dayib, midka kalena waxa la odhan jiray Yuusuf Kooreeye, anigu reer Buuhoodle waxaan kula yaabaa marwalba way ila soo hadlaanoo ma jecla waxa uu ninkaasi ku hadlo, hadan ma arko cid u jawaabta, horta way wanaagsan yihiin hadii ay sidaa u kala xishoonayaan, laakiin waxaan ka baqayaa in meesha ay hada xishoodka ka tahay in ay baqdin ka noqoto”.

Fu’aad Aadan Cadde mar uu ka hadlayey hadal uu idaacada dawlada ee Radio Hargeysa ka jeediyey wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu mahad naqayaa wasiirka gaashaandhigu markii uu ka hadlayey Radio Hargeysa ee uu  faah-faahiyey ee uu hadalkii madaxwaynaha u sharaxay ee uu yidhi sadex barkadooda waa la awday oo amarka madaxwayanaha ayaa lagu awday, jiidaas ciidamadu waxay joogaan Heegaale iyo Maygaagle, markaa maadaama oo aanay dadkii heshiin oo aan magtii la is dhaafsan halkaas way joogayaan, mida kale ixtiraam Buuhoodle la ixtiraamayo ayuu madaxwaynuhu sidaa u sameeyey. Qofkasta oo maskax lihi wuxuu garan karaa hadii aanay ciidamada qaranka Somaliland markiiba aanay dhexgalin dadkaa walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay dhibaato intaa ka wayn ayaa dhici lahayd, ciidamada qaranka iyo madaxdoodaba waan u mahad naqayaa runtiina wax wayn ayey dalka u qabteene Alle ha jasaa’i siiyo, anigu waxaan aamin-sanahay askariga  Laascaanood jooga ama Widh-widh joogaa wuu ka siyaasi san-yahay siyaasi kasta oo Hargeysa jooga, waayo wuxuu garanayaa dadkaaga dhawro, marka hore ee ay halkaa tagaan Dhul-bahante sas ayuu ka qaadaa laakiin markuu inyar joogo wuu jeclaadaa”

S: Diyaarada la sheegay in ay ka soo degtay garoonka Hol-hol ee la leeyahay hub ayey u dajisay ciidan beeleed deegaankaas laga abaabulayo, markii danbana ka baxsatay ciidanka qaranka, arintaas maxaad ka ogtahay?

J: Anigu mid ma jecli, marka hore waynu faanaa oo libta beelahan dhexe ee Isaaqu keeno waanu la leenahay, dhibaatada beel ka mid ahi samaysana waa la wada leeyahay, marka hore waynu faanaa oo waxaynu nidha wada Mujaahid ayeynu nahay oo dawladdii Afrika ugu awoodda badnayd ayaanu ka adkaanay ayaanu nidhaa, hadana hadh iyo habeen waynu cabaadnaa oo cadaw ayaa inagu xeeran ayaynu leenahay, diyaarad baa la qabtay, Puntland ciidan ayey tababaranayaan in aynu waxaas isku mashquulino maaha, inagu dawladd ayeynu nahay ciddii ina soo doonata waynu iska celinaynaa, Dee marka la leeyahay Puntland baa waxaa keensatay waaba qabiil iyaguye inagaaba ka xoogbadan oo ka weyne miyeynu keensano inaguna. Diyaaradaasna way jirtaa oo ciidanka qaranka dirqi ayey kaga baxsatay ayaa la leeyahay, laakiin diyaarad iyo waxaas anigu wax weyn uma arko.

S: Go’aankii  nabada ee ay wada qaateen labadii dhinac ee isku hayey deegaanka Ceelbardaale, muxuu Somaliland ku soo kordhinayaa ayaad is leedahay, mase mudan yahay mid ay haboontahay in dadka isku haya barigu ay ku daydaan?

J: Alxamdulilaah, Ilaahay ayaa mahad dhamaanteed iska leh, waxay ahayd qof kasta oo reer Somaliland ahi markii uu arkay go’aankaas in uu halkiisa Salaatul Shugri ku tukaddo, mar labaad waxaan kun jeer mahad naq halkan uga dirayaa madaxwaynaha Somaliland guushaa uu keenay ee ah in nabad lagu dhameeyo dhibaatadii deegaanka Ceelbardaale ka taagnayd wakhtiga dheer, waxa kale oo aan iyagana u mahad naqayaa cid kasta oo ka soo shaqaysay arintaas. Anigu ma ihi raga iska dhis dhisa, laakiin qalbi nadiif ah ayaan ku hadlayaa, wax weyna dalka wuu ku soo kordhinayaa go’aankaas geesinimada leh ee ay wada qaateen dadkaas walaalaha ahi, Ilaahayna waxaan ka baryayaa in nabadaas ay ku waaraan dadkaas walaalaha ahi oo dhibaato danbe aanay dhexmarin shacbigaa walaalaha ah ee wada daga deegaankaas, runtiina arintaas galbeedku Falaadh inagu wada taagan ayey ahayd ee Alle nabad galyadaas ha inoogu dhameeyo, waana talaabo ku dayasho mudan.

S: Waxa la sheegayaa in deegaanka koonfurta Sool in ciidan beeleed uu ka abaabulayo madaxwayne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland C/samad Cali Shire oo aad isku beel tihiin, arintaas maxaad kala socotaa?

J: Anigu waxaan qabaa ninkii maanta colaad abaabula, ama Somaliland ha u abaabulo ama meel kale ha u abaabulee in aanu waxba korodhsanayn. Anigu C/samad Cali Shire kumaan aqoon waxaas, hadaanu kursiga uu fuulay maskaxda ka qaadin, waxaan anigu ku aqaanay nin dagan, nabad jecel, dadku inay is dilaana aan jeclayn, ninkaasina maaha nin la soo ridi karo oo la odhan karo orod oo dadkaaga isku soo dir.

S: Sideed u aragtaa talaabadan xukuumada mucaaridku ku dhaliilaan ee ku saabsan shaqaalihii maaliyada ee intii imtixaanka dhacday shaqadii laga joojiyey ee ay dibada bilaa camalka ku yihiin?

J: Dadkeenu in wax la hagaajiyo way rabaan, hadana marka la hagaajiyo way qayliyaan, runtii shacbiga Somaliland maanta inta badan wuu camal laayahay, faamaliyo badan ayaa gaajo bakhtiyaya, laakiin hadiii la leeyahay ka wax garanaya iyo ka kale ha la kala saaro waxay ahayd in aan lagu dag dagin ee si miir qabta la iskula eego, aniga shaqsiyan imtixaankaasi dag dag ayuu iila muuqdaa, mudaharaadkii ka danbeeyeyna arin fool xun ayuu ahaa, markaa waligeenba miyir ayeynu ku wadnaye sidii uun aynu ku wadno ayaan odhan lahaa.

S: Arinta ku saabsan abaarta deegaanada bariga Somaliland ee xukuumadu ka hadashay, balse aanay wax talaabo ah ka qaadin maxaad ka odhan lahayd?

J: Waa run abaartaasi way jirtaa , Nugaal oo kale oo ahayd meelaha ugu biyaha badan, biyihii way jiraan laakiin dadkii waxay u barteen biyo macaan, waxyaabaha aadka u naxdinta badani waxa weeyi, caruurta marka caano boodhe loo qaso biyo macaan ayaa loo baahan yahay, marka sharaabka loo walaaqayana biyo macaan ayaa loo baahan yahay, marka baasto lagu karinayona biyo macaan ayaa loo baahan  yahay waayo baastadii biyo aan macaanayn kuma karsamayso, marka waxa weeyi abaar ba’an ayaa dalka ka jirta waa in loo gurmadaa dadkaas, xukuumadda, hay’adaha iyo cid ala cidii gacan ka gaysan kartaba waxaan ugu baaqayaa in loo gurmado dadkaas abaartu ku habsatay. Marka gurmadkaas la sameeyo, waa in loo tabaabushaysto sidii loo qaban lahaa biyahan dhulkeena iska wada dhaafaya ee badda ku darsamaya.

.
Haatuf.

.

Laaska News