Home > Somali Culture Leaders, Somaliland, WARARKA > Somaliland:Boqor Buurmadow Oo Ku Edeeyey Guddoomiyaha Guurtida Distoor Jabin, Kuna Baaqay In Xisaanada Laga Xayuubiyo

Somaliland:Boqor Buurmadow Oo Ku Edeeyey Guddoomiyaha Guurtida Distoor Jabin, Kuna Baaqay In Xisaanada Laga Xayuubiyo

Saturday, January 15, 2011

Laaska News January 15,2011.

“Waxaan Idinka Codsanayaa In Aad Qaranka Ka Qabataan Muddanahan, Lagana Qaado Xisaanadda, Lana Hor Keeno Sharciga Isaga Oo Halis Ku Ah Jiritaanka Wadanka, Waxaan Cadayn-Doonaa Dambiyadda Uu Ka Galay Qaranka” Boqor Cismaan Buurmadow

Hargeysa, January 14,  – Boqor Cismaan Aw Maxmuud Buurmadow ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan inuu ku kacay falal lid ku ah Distoor qaranka iyo shuruucda dalka u taala.

Boqor Cismaan Buurmadow waxa uu ugu baaqay Maxkamada sare, Xeer-Ilaalinta guud iyo golaha guurtidaba inay maamuuska xilka laga xayuubiyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), oo uu ku eedeeyey inuu ku kacay falal ka dhan ah nabadgalyada qaranka Somaliland, isla markaana uu tilmaamay in uu gaf iyo meel ka dhac ku sameeyey waajibaadka distoorka qaranku u jideeyey xilkaasi, taas oo uu sheegay inuu jabiyey qodobada distuurku u dajiyey shuruudaha xubnaha golaha guurtida lagu soo dooranayo, isaga oo intaa ku daray in beeshoodu kalsoonidii ay kala noqotay gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, oo uu sheegay markii uu geeriyooday guddoomiyihii hore Marxuun Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar in beel ahaan loogu maamuusay kursigaasi, isla markaana uu doorwayn ku lahaa xulistiisii, taas oo uu sheegay in kursigaasi ay uga tanaasuleen Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) iyo Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan oo iyagu ahaa musharaxiintii u tartamaysay jagadaas uu baneeyey Alle ha u naxariistee Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, waxa uu sidaas ku sheegay qoraal dacwad ah oo uu u gudbiyey maxkamada sare, xeer ilaalinta guud ee qaranka, guddoomiyayaasha gudi hoosaadyada golaha guurtida iyo wakiilada iyo isla markaana ogaysiin ku siiyey guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, kaas oo nuqul ka mid ah uu wargeyska Haatuf helay, waxaanu u dhignaa qoraalkaa dacwada ah ee uu u gudbiyey sidan:-

“Ku: Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL

Ku: Xeer-ilaaliyaha Guud ee JSL

Ku: Gudoomiyaha Gudiga Joogtada ah ee Golaha Gurtida.

Ku: Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Guurtida

Ku: Gudoomiyaha Arimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada.

Og: Saleebaan Maxamuud Aden (Gaal).

1/13/2011

Mudanayaal,

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qoraalka  ka dib markii uu geeriyooday Alle Ha u naxariistee Sh. Ibraahim Sh.Yusuf Sh. Madar, qoraalkaa aan ku saxeexanahay ee taariikhdiisu ahayd 25/08/2004 , kaas oo aan ku soo xulay Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo aan u arkayay in beel ahaan naloo siiyo xilkaa maadaama aanaan ka muuqan madaxda sare ee Qaranka, kaas oo aan qoraal u soo qoray anagoo  tixraacayna qodobka dastuurka ee 130-aad faraqadiisa 3-aad waxaa kale oo aan si mugleh uga howl galay inuu noqdo Gudoomiyaha Guurtida, kaas oo aan ka hawlgalay 72 xubnood inay doortaan.

Waxaa kale oo iyana si fiican nooga tanaasulay labadii musharax ee Cabdi Waraabe iyo Muxamed Aw Axmed oo aan  mahad gaara iyo abaal u hayo.

Waqti yar ka dib waxaan ogaaday inaan kursiga Alle Ha u naxariistee Sh. Ibraahim ka geeriyooday aan shaydaan ku fadhiisinay , anigoo in badan isku dayay inaan waaniyo oo aan waayeelnimadii iyo xaqiiqda ku soo celiyo, laakiin waanadaa waxba Alle kagama duwin.

Haddaba markaan arkay xilkasnimo darada xad dhaafka ah iyo qaybqaybinta qaranka iyo beelaha S/land, Markaan arkay inuu caadaystey nabad galyo darada joogtada ah ee uu caadaystay, markaan arkay Qiimaha Golahan uu u leeyahay Dawladda iyo dadkaba ayna dambi iyo qiyaamo qaran tahay in la dhinac maro sharciga iyo dastuurka dalka taas uu ku kacayo, Muddane Anigu gacantayada aan ku soo xulay.

Markaan arkay qiimo jebinta Golaha, xadgudubka, anshax daradda, gardarada qaawan ah ee mudanuhu ku hayo wadanka iyo sida ugu gefay xilka uu hayo.

Markaan tixgeliyey qodobada dastuurka ee 130-aad Farqadiisa 3aad oo lala akhriyo qodobka 68-aad lala sii akhriyo 59-aad lala sii akhriyo 50-aad farqadiisa 3-aad, kaas oo cadaynaya haddii uu jebiyo Mudanuhu  shuruudihii lagu soo doortay ama gudan waayo xilkiisa, qodobadda kor ku qoran waxay xaq u siinayaan Madaxdhaqameedkii soo doortay Muddanaha inay Bedesho.

Haddaba, anigoo tixgelinaya Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ku abtirsata Dhaqanka iyo nabadda waxaan isla maanta  kala  noqonay magacaabistii aan soo magacownay Saleebaan Maxamuud Aden Gudoomiyaha Guurtida  sida ku cad qodobadda Dastuurka ee aan soo sheegay.

Waxaan cadayn-doonaa dambiyadda uu ka galay Qaranka Somaliland iyo Beeshiisaba, taas oo uga jeedo fidmo iyo nabadgelyadda oo faraha ka baxda.

Cadaymaha dembiyadda uu galay Muddanahu aan u soo bandhigi doono Maxkamadda Sarre ee Qaranka Somaliland iyo dhamaan gudoomiyayaasha Guddiyadda Golaha Guurtida ee warqaddani ku socoto.

Waxaan idinka codsanayaa in aad Qaranka Somaliland ka qabataan Muddanahan iyadoo lagana qaadayo Xisaanadda lana hor keeno sharciga iyo Caddaaladda Qaranka oo uu Halis ku yahay jiritaanka wadanka oo uu rabo in uu nabadgelyo darro iyo fawdo ay noqoto Qaranimaddu iyo madaxda Dawlada iyo Kuwa Dhaqanka.

Markaan darsay casaabadaha uu samaystay ee uu ku weerarayo madaxda dhaqanka iyo kuwa qaranka Markaana xuso kala jabinta beesha Habar Jeclo oo uu u qaybiyey Muuse iyo Maxamed ha noqoto xildhibaano Ganacsato iyo Siyaasiyiin ba oo dhamaantood hoos ku xusan sida:-

1-     Dhacdadii Nabadgelyo daradii ka dhacday Ceel-bardaale oo uu Kow ka ahaa Khilaafkii hore isla markaana kala fara bixin.

2-    Dhacdadii nabadeed ee lagu galay Kalshaale in ay weli faraha kula jiro Muddanahu isagoo raba inaan nabadi ka dhicin halkaa, isla markaana uu Madaxweynaha la qaatay in la aaso Berkadaha Collaada ka abuuray Kalshaale welina uu abaabulayo Colaad iyo isku dhac Beelo oo hor leh, waxaanu baneeyey Jiidihii xasaasiga ahaa ee ay fadhiyeen.

Waxaan rajaynayaa inaad tixigelin doontaan qoraalka is fasiraya Fulina doontaan sharciga Wadanka anigoo ku saleeyey Dhacdooyinka iyo dambiyadda aan ku soo oogey Muddanaha Xaqiiq Markhaati leh oo la wada og yahay”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha gudida joogtada golaha guurtida Md. Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan oo iyagu xiligan uu fasaxa goluhu ku jiro gole waynihii sii matala oo aanu xalay khadka tilifoonka mar aanu kula xidhiidhnay, warqadan dacwada ah ee boqor Cismaan u qoray maxkamada sare, in gudi ahaan ay soo gaadhay ayaa isagu noo sheegay in qoraalkaasi la soo gaadhsiiyey, balse cadeeyey in aanu guddoomiye ahaan ka hordhacaynin mawqifka ay ka qaadanayaan gudi ahaan, balse sheegay in gudida joogtadu uu horgayn doono, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Qoraalkaasi wuu i soo gaadhay, maxkamada sare ayaanu ku socodsiiyey, anagana ogaysiin buu nagu siiyey, balse ka hordhici maayo ka hadalka mawduucaasi, waxaanse horgayn doonaa gudida joogtada oo wada tashi ka yeelan doonta, go’aanka kama danbaysta ahna gudida ayaa leh”.

 

 

Xigasho: Haatuf News.