Home > PUNTLAND, TFG Somalia, WARARKA > Dagaalka Xidigaha:Faroole oo u Jawaabay Farmaajo “xeradaada ku ekaw”

Dagaalka Xidigaha:Faroole oo u Jawaabay Farmaajo “xeradaada ku ekaw”

Wednesday, January 19, 2011

Laaska News January 19,2011.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Sh Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay DJibouti.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland Mr. Faroole ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Qorshaynta Da’ud Maxamed Cumar iyo Wasiirka Kaluumaysiga Saciid Maxamed Raage.

Mr. Faroole oo intii aysan ka ambabixin garoonka ayaa warbaahinta waraysi kooban siiyay oo ku saabsan socdaalkooda.

Mr. Faroole ayaa sheegay inay halkaa kula kulmi doonaan Hay’adaha caalamka ,Igad,Mr. Mahiga iyo kuwa deeqda bixiya.
 
Su’aalaha Mr. Faroole la weydiiyay ayaa waxaa kamid ahaa:

Mar wax laga weydiiyay Maxweynaha Puntland hadal uu dhawaan Raysal Wasaaraha Somalia Mr. Farmaajo uu kaga hadlay
khilaafka soo kala dhexgalay puntland iyo TFG- inay umuuqanayso mid dhiiri galinaysaa dhinacyada kasoo horjeeda Dawladda Fedraalka Ku meelgaarka ah ayaa madaxweynaha Puntland ku jawaabay:

“Arrintaas waa hadal layska yidhi,nin iska hadlay oo wuxuusan kawar hayn iska dhex galay ayuu iila ekaa,lana yaabi maayo wuxuu ahaa inan meesha la keensaday.

Haddii annagu,intay wada shaqayntii intay gooyeen,annagu hadda miiska aannu soo saarnay oo aannu sababaynay,wuxuu haddee annaga nooga daba hadlo meeshaba ma’oolin.

Haddiise Ilaahay afkiisa ka soo yeeriyay,haddee waxaannu leenahay “xeradaada ku ekaw.”

Raysal Wasaare Farmajo ayaa sheegay in go’aanka ay maamulka Puntland qaateen aanay kula socon shacabka reer Puntland iyo inay iyagu dalka dawlad uyihiin,iyo arrimo kale uu ka hadlay oo ay ka mid tahay wax qabad  TFG ee Heshiisiin laba beelood oo mudug ah- ayaa waxa ka hadlay Wasiirka Qorshaynta ee PuntlandHalkan ka dhageyso waraysiga Nuux Muuse ee VOA.

Gabagabadii: Waxaa muuqata in laysku cadaystay uuna socdo dagaalka xidigaha,ayna qolada Puntland ku jirto cadho ba’an oo ay qarsan waayeen,cidda yoolku haystana uu yahay Madxweyne Sh. Shariif.
Madaxweyne Faroole ayaa qiray in Farmaajo warmaqabto yahay.

Annaguna waxaan leenahay Da’ud waa innocent- ee dhago libaax ayaa loo dhiibay- hadi casaabak camo.

Arrinatan ayaa waxaa muuqata inaysan jirin cid diyaar u ah in ay wax ka qabato ama qaboojiso marka laga reebo dad tiro yar oo warbaahinta ka hadlay.

Related Topics:

Raiisul Wasaaraha oo ka hadlay go’aankii Puntland

Dagaalka Xidigaha:Puntland oo faah faahisay sababihii ay ujoojiyeen wada shaqayntii DKMG ee Soomaaliyeed. Wasiirka Qorshaynta DHGEYSO

.
Laaska News.

Ciise Adan.