Home > WARARKA > Roobab ka da’ay meelo kamid ah Gobolada Sh/dhexe,Hiiraan,…..

Roobab ka da’ay meelo kamid ah Gobolada Sh/dhexe,Hiiraan,…..

Sunday, January 23, 2011

Laaska News January 23,2011
(Muqdisho)-waxaa lagu soo waramayaa in roobkii Gu’ga uu ka curtay deegaano kamid ah Gobolka shabeelada Dhexe,Hiiraan iyo Galgaduud..

Roobabkaas oo la sheegay inay da’een shalay galinkii dambe iyo xalay.
Somalia inteeda badan ayaa waxaa ka taagan abaaro aad udaran oo dad iyo duunyo saamaysay,iyadoo magaalooyinka dalka laga dareemay in reer miyi farabadan  ay soogaleen,kuwaas oo isugu jira kuwo xoolahii ka dhamaadeen,iyo kuwo cunto iyo biyo la’aan ay ku dhacday.

.

Sida warbaahin kale duwan sheegeen waxaa kamid ah deegaanada uu ka da’ay roobabku  Jalalaqsi,Mahadaay,Ceel baraf iyo deegaanada Moqokor iyo Adan yabaal,meelo kale oo kala durugsan ayaa la sheegay inay daruuraha roobku ay duljoogto,maalo kalana waxay heleen roobab shuux ah oo aan biyo dhigin.

.

Gobolka galgaduud meesha uu roobku kad’ay ayaan si sax ah loo magacaabin,in kastoo la sheegay meelo kamid ah anay roobsatay.

.

Laaska News.