Home > Egypt (Masar), WARARKA > War Deg Deg ah: Cumar Saleman oo loo magacaabay Madaxweyne kuxigeenka Masar ,iyo Axmed Shafiiq oo soo dhisaya Dawladda,laba wiil uu dhalay Mubaarak oo ka dagay London – AlJasiira TV

War Deg Deg ah: Cumar Saleman oo loo magacaabay Madaxweyne kuxigeenka Masar ,iyo Axmed Shafiiq oo soo dhisaya Dawladda,laba wiil uu dhalay Mubaarak oo ka dagay London – AlJasiira TV

Saturday, January 29, 2011

January 29,2011 Laaska News.

Qahira-Nile TV,ayaa sii daayay in cumar Saleemaan loo Dhaariyay Madaxweyne kuxigeenka Masar.

Cumar Saleemaan ayaa ah ninkii sirdoonka haystay.

Kumaankun dad mudaharaadayada ayaa ka socda magaalooyinka waaweyn iyadoo ciidanka Malatariga ah ay kaarayaal la hor istaagan yihiin meelaha halbawlaha wadanka ah.

ALjasiira TV ayaa iyana siidaysay in dad mudaharaadayada oo weeraray Wasaaradadda Gudaha in Boolisku ka dileen 3 qof.
Majiraan cid xaqiijinaysa ama ka bixisay faah faahin dheeraad ah.

Laba wiil uu dhalay Mubaarak oo ka dagay london oo la kala yiraahdomagacyadooda Jamaal iyo Calaa sida Aljasiira TV  ay sheegtay,warkaas oo sheegtay inay kasoo xigatay Jaaliyada Masar ee London,ma jiraan jiho madax banaan oo xaqiijinaysa.

.
Jamaal ayaa ah ninka la aaminsanaa in loo carbinayo Madaxweynaha Masar.

Masar TV: Mubaarak ayaa u xilsaaray Axmed Shafiiq inuu soo dhiso Dawladda,kadib markii ay is casileen Dawladdii hore.

Laaska News.