Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Buuhoodle:Mudaharaad lagaga soo horjeedo Maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Hagoogane ee shalay oo loo gudbiyay Burco iyo Doorka ay ka qaateen Ciidanka Somaliland Dagaalkii shalay

Buuhoodle:Mudaharaad lagaga soo horjeedo Maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Hagoogane ee shalay oo loo gudbiyay Burco iyo Doorka ay ka qaateen Ciidanka Somaliland Dagaalkii shalay

Monday, January 31, 2011

January 31,2011 Laaska News.

Buuhoodle (Laaska News) – Waxaa magaalada Buuhoodle maanta ka dhacay mudaharaad ballaaran oo lagaga soo horjeedo maamulka Somaliland,taas oo ka dhalatay cadho laga qaaday sida ciidanka Somaliland ee ku sugnaa deegaanka Kalshaale ee awal  Somaliland kala dhex dhigtay labada beelood ee ee dirirtu ku dhex martay  Kalshaale, ay dagaalkii shalay ee Hagoogane ay garab usiiyeen Beesha Qorulugud iyo iyagoo 18 maxbuus oo dagaalkii shalay looga qabsaday Beesha Buuhoodle,la geeyay Magaalada Burco.

Dagaalka shalay galinka hore dhacay  deegaanka Hagoogane ayaa lagu sheegay inuu ahaa dagaal  is rasaaseeyeen ah oo dhex maray  kor joogto kasoo kala jeeda labada Beelood ee horay u dhex martay xiisadii kalshaale,( Reer Buuhoodle iyo Reer Qorulugud).

Dagaalka shalay galinkii dambe oo ahaa ka khasaaraha dhaliyay ee dhexmaray maleeshiya beeleed reer Buuhoodle ah oo ku sugnaa Hagoogane iyo ciidanka Somaliland ee awal labada beelood kala dhex joogay.

Hadaba cidda weerarka qaaday ayaa qoloba qolada kale ku eedeynaysa, inay weerarka lahayd.

Wuxuuse dagaalkaasi sababay dhimasho labad dhinac ah iyadoo dhinaca Buuhoodle la sheegay 4 dhimasho ah,4 dhaawac ah iyo 18 maxaabiis ah.
Xagga dhinaca ciidanka Somaliland ayaa la xaqiijiyay hal askari iyo dhaawaca oo labo ah.

Suldan Saciid Cali oo ka soo jeeda Buuhoodle oo  BBC du waraysatay ayaa sheegay in arrintani ay dabo joogto xiisadii kalshaale wuxuuna ku baaqay ” kalshaale weeye dhibtu ,Kalshaale yaanu dad naga galaafane hanalaka aaso”.

Wuxuuna Somaliland ta ugu baaqay in wax laga qabto,wuxuuna Suldaan Saciid ku baaqay Nabadgalyo.

Waxa suldaanku sheegay in ciidanka Somaliland uu isticmaalay tikniko ayna keentay dhimashada  ciidan beeleedkii Buuhoodle oo ah 4 dhimasho,4 dhaawaca,18 laga hayo maxaabiis ahaan,waxa uu suldaanku ku daray inay jiraan rag kale oo maqan oo aan laga war hayn waxay ku sugan yihiin.

Waxaa cad in Ciidanka Somaliland hadda ay bulshada dhulbahante uu san dagaalkaa shalay dhexdhexaad ka noqon oo uu yahay mid la saftay Beeshii reer Qorulugud.

Fikradaa laga qaatay ayaa keentay in maanta Laascaanood ka dhaco mudaharaad iyadoo lagu soo waramayo inuu ahaa mudaharaad rabshado wata oo dad ku dhaawac meen is hor imaad ku dhex maray ciidanka Somaliland iyo dadkii Mudaharaadayay,laguna gubay gaadiid.

.
Dadka arrintan u dhuun daloola ayaa xiisadan Kalshaale iyo deegaanka hagoogane ku macneeyay inay jirto arrin Maamulka Somaliland iyo Beelahaasiba ay ku doonayaan inay ku qabsadaan Buuhoodle.

Buuhoodle ayaa ah meel ay dadkeedu in tooda badan ay aad uga soo hor jeedaan Maamulka Somaliland, ayna meelo kala duwan taageeraan , waxaana sii fogaysay xiisadda Kalshaale iyo go’aanka kasoobaxay madaxtooyada oo 3 magaalo (Kalshaale,Hagoogane iyo Meygaagle) la yiri waa deegaan ciidanka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa horay Beelaha SSC ugu baaqay gogol nabadeed,waxayse dadka intooda badani sheegeen inaanay is qaban hadalka Madaxweynaha iyo ciidanka aan raaliga laga ahayn ee ku sii siqaya Magaalada Buuhoodle iyo deegaanada Dhulbahante.

.
Iskusoo wada duuboo waxa ay dhibtu ka dhacaysaa waa dadka ood wadaaga ah,ee dan wadaagta ah,ahna reer guuraa.

.

Laaska News.

.

Faah faahin dheeraad ah:Ceegaag Online ayaa qoraalkan hoose ka qortay.

Mudaaharaad lagaga soo Horjeedo 18 maxbuus oo dagaalkii Hagoogane ee shalay lagu qabtay oo lageeyay Burco  oo ka dhacaya Buuhoodle

(Buuhoodle, January 31,  2011 Ceegaag Online)
Mudaaharaad balaadhan ayaa hada ka soconaya magaalada Buuhoodle ee gobolka cayn mudaaharaadkaa oo lagaga soo hor jeedo dagaalka macno darada ah ee ka soo cusboonaaday xiisadii Kalshaale iyo gaynta la geeyay maxaabiis tiradooda lagu sheegay sideed iyo toban magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Dhinaca kale maydadkii sadex nin ee reer Buuhoodle ah ee shalay lagaga soo cararay Hagoogane ayaa saaka la keenay Buuhoodle, dhinaca kale sidii la filayay dagaal xaga Madaafiicda iyo qoryaha culculus ah ayaa hada kasoconaya Hagoogane.

Mar aan la xidhiidhnay dhinacyada Buuhoodle iyo Qorulugud ayaa naloo sheegay inaan ilaa hada jirin qasaare nololeed balse dagaalku inuu hada bilow yahay. Magaalda Buuhoodle ayaa gabi ahaanba goobaha ganacsiga, Waxbarasha, iyo adeega Bulshada gabi ahaanba  albaabda loo laabay halka ay Qorulugud hawlahaasi ka socdaan.

Warkii Saaka

Kadib Markii Maalintii shalayto Baliga Hagoogane uu Dagaal Xoogani ku dhexmaray Ciidamo Beeeloodyo ka soo Jeeda Dhinaca Buuhoodle iyo Qorulugud oo ay garbinayaan Ciidamada maamulka Somaliland ayaa haatan Saaka Waxa soo Baxay khasaaraha Dhimashada iyo Dhaawac Dagaalkaasi ka dhashay oo haatan khasaarihiisu gaadhay Tiro badan oo Mayd ah oo laga helay Goobihii lagu dagaalamay.

Ugu Yaraan 3 Ruuxi oo dhalinyo ah ayaa laga helay Maydkooda Baliga Hagoogane oo kamid ahaa Dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Baliga Hagoogane Waxan kaloo Wali saaka lagu raad joogaa Dad kale oo loo Malaynayo in Xabadu Meelo fog fog ku Dishay, Waxan Shabakada Wararka Ceegaag.com oo Goor dhawayd la Xiriirtay Hagoogane  loo Xaqiijiyey in Khasaaruhu intaasi ka Badan karo Dhimashada.

.
Dhinaca Waxa Isbitaalka Magaada Buuhoodle ku Geeriyooday Mid kamid ah Dhaawacyadii Xalay la soo gaadhsiiyey Magaalada Buuhoodle Waxana ka loo Isbitaalka yaala sadex kaloo Dhaawac ah oo dagaalkaasi Hagoogane ku dhaawacmay, Dhinaca reer Qorulugud oo ay garbinayaan Ciidamada maamulka Somaliland Waxa dagaalkaasi kaga Dhintay labo askari Waxana ka loo ku dhaawacmay labo kale.

Wararkaasi dagaalka Hagoogane kala soco Saacad kastaba Shabakada Wararka Ceegaag.com
Cali Dhagjar

Buuhoodle

http://www.ceegaag.com