Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, Somaliland, WARARKA > Buuhoodle:Isimada Cuqaasha iyo Waxgaradka Buuhoodle oo kulan Balaadhan Buuhoodle Ku yeeshay, Beeniyeyna Eedeymo & Xiriir la sheegay inay la Sameeyeen Madaxwaynaha Maamulka Somaliland – AKHRI/DHAGEYSO

Buuhoodle:Isimada Cuqaasha iyo Waxgaradka Buuhoodle oo kulan Balaadhan Buuhoodle Ku yeeshay, Beeniyeyna Eedeymo & Xiriir la sheegay inay la Sameeyeen Madaxwaynaha Maamulka Somaliland – AKHRI/DHAGEYSO

Wednesday, February 2, 2011

Feberuary 02,2011 Laaska News.
Buuhoodle – Waxaa maanta ka dhacay kulan balaadhan  oo ay yeesheen Isimada,cuqaasha iyo wax garad kale oo ku soo jeeda magaalada Buuhoodle,shirkaas oo ahaa mid ay kaga hadlayeen eedeyn warbaahinta loo mariyay guddiga maamulkaBuuhoodle ee leh Isimo iyo Cuqaal iyo waxgarad –

laguna eedeeye inay xiriir la sameeyeen Madaxweynaha Somaliland iyo arrimo kale iyadoo dhawaan uu deegaankaasi ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac, oo dhex maray dadka deegaanka iyo Ciidanka Somaliland,walina ay xiisaddu kacsan tahay.

Madax dhaqameedyada iyo cuqaasha warbaahintu wax ka sheegtay ayaa waxa hadalkooda ka muuqda inay arrintaa aad uga cadhoodeyn waxayna sababtay bamkaa odayaasha la dhex dhigay  in ay shirka dhexdiisa  ay ku maraan dhaar,warbaahintana loo gudbiyo.

Shabakada Ceegaag ayaa goob joog ahayd waxayna soo gudbisay warbaxintan:

(Buuhoodle, February 02,  2011 Ceegaag Online)
Shirkaa waxaa ka hadlay iyaga oo ka jawaabaya warar warbaahinta ka qortay Gudi Maamuleedka Buuhoodle

1. Suldaan Siciid Cismaan Cali   Dhagayso

2. Caaqil Cabdulaahi Xasan Qambi Cabdulaahi Waraaq Dhagayso

3. Gudoomiyaha maamulka Buuhoodle Xaaji Maxamuud Xaaji Cumar Camay    Dhagayso

.

Magaalada Buuhoodle Waxa Maanta Kulan Balaadhan ku yeeshay Isimada Cuqaasha Saraakiisha Ciidamada Buuhoodle , Xubno katirsan Qurba jooga Buuhoodle iyo Waxgarad kale oo Maanta kulankaasi Goob joog ahaa, Kulankani ayaana looga Hadlayey oo Waxgaradka Buuhoodle iyo Saraakiisha Ciidamadu Su’aalo ka Waydiiyeen Xubno katrisan Cuqaasha
Isimada Buuhoodle oo lagu eedeeyey ama lagu sheegay inay Xiriir Xaga taleefoonka ah la Sameeyeen Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo Warkaasi oo lagu `Daabacay War Baahinta Jidbaale.

.
Xubnahani loo `Haystay eedaytaasi ayaan goobtaasi Waxgaradka Buuhoodle uga Cadeeyey inaanay Wax Xiriir ah la samay Madaxwayne Siilaanyo Waligood niyadana ugu jirin inay Maamulkaasi Somaliland Xiriir la Sameeyaan, iyadoo lagu jiro Xaalada dagaal iyo Kacdoon shacab oo Weerar lagu soo Qaatay Deegaano katirsan Mandaqada Gobolka Cayn.

Goobtaasi ayaana Waxa Daddawaynaha Dhexdiisa lagu Dhaariyey Suldaan Siciid Cismaan Cali Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar iyo Caaqil Cabdilaahi `Xasan Qanbi oo Goobtaasi ka sheegay in Warkaasi yahay War been ah oo sharaf tooda lagu dilayo, Waxayna Xubnahaasi kamid ah Isimada iyo Waxgaradka Buuhoodle Dhaliil Xoogan goobtaasi uga soo Jeediyeen War baahinta Caadaysatay Wararka Been ah, Ugu danbaytiina Waxa loo balamay in isku Meel looga soo Jeesto Cadowga lana Mideeyo Difaaca Deegaanka.

.

Daawo Sawirada Shirkaa

.

 

This slideshow requires JavaScript.


Source:Ceegaag.

Gabagabadii waxaa meeshaa ka dhacday arrin la yaableh oo dhaqanka aad uga fog in war warbaahin lagu qoray lagu eedeeyo Odayaal iyo madax dhaqameedyo,waxaase ka sii daran ragga Odayaasha dhaariyay.

Waxaase haboonayd in wixii laysku eedeynayo hab dhaqameed lagu dhameeyo,sababtan oo ah arrintan waa arrin keeni karta isku dhac beeleed.

Ciise Adan

Laaska News.