Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Khasaarihii ka dhashay dagaalkii Shalay ka dhacay aagga Kalshaale ee degaanka Buuhoodle. – 29Dhimasho,51 Dhaawac(14 halis)

Khasaarihii ka dhashay dagaalkii Shalay ka dhacay aagga Kalshaale ee degaanka Buuhoodle. – 29Dhimasho,51 Dhaawac(14 halis)

Tuesday, February 8, 2011

Feberuary 08,2011 Laaska News
Warkii ugu dambeeyay ee laga helo deegaanka Kalshaale iyo Hagoogane – Wariyaha Mandaqada Cali Dhagjar

(Buuhoodle, February 07, 2011 Ceegaag Online)
Waxaa dagaal ku dhexmaray agagaarka balliyada Kalshaale iyo Hagoogane ciidamada Somaliland iyo kuwa ka soo jeeda degaanka Buuhoodle oo baryahanba isku horfadhiyay aaggaas.

Waxaa la xaqiijinayaa in khasaaro badani soo kala gaadhay labadaas ciidan ee ku dagaallamay balliyada Kalshaale iyo Hagoogane.Waxaa dhinaca Buuhoodle ka dhintay 12 qof iyo 20 dhaawac ah oo 5 ka mid ah dhaawacaas ay cuslaayeen loona qaaday cusbitaalka Gaalkacayo.

Dhinaca ciidanka Soomaaliland ayaa la sheegayaa in ay kaga dhinteen dagaalka 17 askari halka dhaawucuna gaadhayo illaa 31 oo 14 ka mid ahi culusyihiin loona qaaday cusbitaalka Burco.

Lama sheegin illaa hadda wax maxaabiis ah oo la kala qabsaday dagaalkiina waxa uu istaagay galabta goordanbe. Waxaa labada dhinacba ka socda abaabul dagaal mana jiraan wax illaa haddeer isu xilqaamay in ay qaboojiyaan colaaddaas ka taagan Kalshaale. Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ka soo soo kordha dagaalkan kala soco shabakadda Ceegaag .com wakhtiyada soo socda.

Cali dhagjar

Buuhoodle

Source: Ceegaag.com

Dagaalkii Kalshaale ee maanta oo geystay Khasaarihii ugu badnaa iyo Gen.Tani oo calooshiisa banaanka soo dhigay

Laaska News