Home > ALL DARWIISH NEWS, Faallo, PUNTLAND, SOMALIA, Somaliland, WARARKA, WORLD > Falanqaynta Dagaalkii Kalshaale oo ka socota Hargeysa iyo sida laysugu war la’yahay

Falanqaynta Dagaalkii Kalshaale oo ka socota Hargeysa iyo sida laysugu war la’yahay

Friday, February 11, 2011
Feberuary 11,2011 Laaska News

Waxyaalaha ka dahsoon Shacabka Dhulbahante iyo Isaaq ba

By Dr. Cadawtaagsade
Waxaa goobaha laysugu yimaado magaalada Hargeysa ka socota  falanqayn  aanay dadkaasi waxba qarin,hadana usoo gudubtay shabakadaha laga leeyahay magaalada oo ugu horayso Haatuf News, waxyaalaha dadkaas ku hadaaqayaan ayaa ah maxaa loo xaqiijin waayay Buuhoodle,maxayse kaga duwan tahay Laascaanood?Maxaa ciidanku Kalshaale ugu fashilmay? iwm

Waxaan rabaa maanta in aan arrimo badan oo xaqiiq ah u sheego Beelaha oo dhan ee Reer waqooyi ama Isaaq, Dhulbahante, Warsangali, Samaroon, Ciise iyo inta kalaba.
Mid raacsan Somaliland,mid diidan,mid SNM ah,Mid USP ah,mid SSC iyo mid Puntland taageersan.

Waxaa cad in Beesha Isaaq ee xukunka Somaliland gacanta ku haysay inaanay marnaba ogalayn in si cadaalad ah wax loo wadaago,maamul lawada leeyahayna lawada samaysto,haddana ay uga cad dahay maxaa xuduuda loo gaari waayay?Maxaa Soomaaliland loo aqoonsan waayay?

Marna aanay is weydiin yaa Somaliland xoreeyay,yaa Somaliland ah?

Hadaba waxaan Soomaali u  sheegayaa in aanay jirin wax lawada leeyahay,waxaase jira waxaan marti kuugu ahay,marka aan joogo  Hargeysa ama aan ahaado Wasiir ama aan ahaado baarlamaan ama Suldaan.

Sababtu maxay tahay?
Beesha Ku abtirsata SNM ama Isaaq,hogaanka Somaliland na haysa hadaad tahay:

Ma ogolid in Somaliland tahay wax lawada leeyahay.
Waxaad diiday In la sameeyo Awood Qaybsi dawladeed.
In Dastuur rasmi ah la qoro oo dadka ka wada dhaxeeya.
In Awooda Sare ay Beeluhu qaybsadaan.
Jabhadii SNM ee ku dhisnayd Beesha Isaaq ayaad wali wadataa,waxaadna ledahay waa mujaahid.
Beelaha kale Jabhadoodii Ma ogolid,miyaanay iyguna Mujaahid ahayn ilayn ninba reer ayuu ka socdaaye.
Waxaad Baabinaysaa Taariikhdii Daraawiisheed ee bilawga u ahayd halganka Soomaalida o ma ogolid,waxaa kugu qasbay arintaasna Soomaali u sheeg.

Ma ogolid wixii dhib ah oo dadka kala gaaro in laga heshiiyo,haddii laga heshiiyana kama samirtid.

Ma ogolid in reer walba dhulkooda iyo ceelashooda la qoro xuduuda beelaha la ogaado.

Waxaad leedahay ogolaw Halgankii SNM oo aad Beelaha kale  ku xasuuqday oo aad ku laysay.

Waxaad ku dhawaaqday magac la yiraahdo Somaliland
Dadka mawaydiisay ileyn waa beelo dadkuye inay raali  ku yihiin.
Waxaad tidhi Somalind Gooni bay u istaagtay.
Beelaha iyo shacabka Waqooyiga Soomaaliya degan ma afti baad ka qaaday?

Marka nin walba leeyahay ha ahaado siyaasi ,ha ahaado warbaahin,ha ahaado Salaadiin- Dhulbahante waa sidan ama aflagaado ay dadkayaga ku dhacayso,waxa aad nagu maagaysana ay tahay waxaad sababtay ma garbaa?

Manhajka iskuulada waxyaalaha ardada loogu dhigayaa waa wax adiga kuu gaara iyo SNM
Beelihii kale ma ogola ma sankaad ka galin.?

Wax heshiis ah oo  maanta uu sheegi karo nin siyaasi ah ama salaadiin ah oo aniga ila hor iman karaa waxaan lagalnay Garaadada Dhulbahante majiro.

Waxaan Goobjoog ahaa arrintii Seegtay Xukuumadii Somaliland iyo Gudigii Subeer Awal ee1997,markii  (AHUN) uu ina cigaal Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliland,Garaad Cabdiqani (AHUN) isaga iyo ragiisi ay soo hor dhigeen qorshihii ay wateen iyo xubnihii uga qayb gali lahaa ergada,qoraalkaas oo ay garaadada intooda badani ay soo saxiixeen,haddii maalinta la aqbali lahaana maanta cid ka hadli lahayd aanay jirin.

Waxaa dhacday waqtiga in cabashada la gaarsiiyay Salaadiinta Isaaq ee waqtigaa ku sugnaa Hargeysa ,waxaana loola shiray Beel beel,waxaa kale oo aad arrintaa loogala hadlay Guddi la oran jiray Guddigii Subeer Awal.
Haddaba markii xal laga waayay ayaa laga baxay waxaana looga baxay talo garaad.
Haddaba walaalkayga ka fog caadifadaw anigaygan qoraya qoraalkan waxaan markaa ahaa shakhsiga ugu dhaw Garaadka ee in ta badan la jooga,waxaana kalaqayb galay shirarka intooda badan,waxaana ogahay waxyaalaha meesha ka dhacay,waxyaalaha qaarkoodna marabo inaan halkan ka sheego.

Waxyaalihii laga hadlayna iyo codsiyadiiba Somaliland  waa diiday waqtigaa.

Waxaa dhacday in maamulkii waqtigaa jiray uu shax ciyaaray markii uu ogaaday in laga carooday ayuu ragii qaar hoos ula faqay rag kalana wadama kale kasoo duuliyay.

Markaa raggii qaar waxay qaateen taladii dhulbahantuhu keenay ee ahaa mar haddaan maamulkani wax ogolayn halaga baxo,ragna waaba ku hareen.

Ilaahay wuxuu qadaray rag magac iyo maamuus reerka kulahaa oo annaga dabada nagaga jiray oo waday ha laga tago Hargeysa, inay raggii,Eebbe iyo Garaadkiiba  kaga baxaan balantii oo ay Hargeysa ku haraan.

Waxaa furfurkaa ka shaqaynayayna waxay ahaayeen Siyaasiinta Beesha Isaaq ee ugu horeeyay (AHUN) Cigaal,oo ahaa nin aad uyaqaanay sida Beelaha loo dhex galo,waxaa kale oo jiray niman gaar ah oo xagga beesha Sool oo si gaar ah ugu xirnaa oo hawshaa la waday.

Siyaasiinta Somaliland ee hore wey og yihiin xaqiiqda,hawgu horeeyo Siilaanyo oo ah maanta Madaxweynaha Somaliland,waana og yahay arrinta waqtigaa dhacday haddana garaadadii aan gacan lagu hayn.

Haddaba haddaad wali wixii wadaan iyo kala qaybintii,dagaalna dheer yahay oo dhinacna   aad leedihiin gogol nabadeed baan fidinay,beel walbana aad rabtaan maalin inaad gidaar udhiibtaan,aqbali mayno,Beelahana iska jira ayaannu leenahay!!
Arrintani waxay qayb ka tahay inaydin ogolayn in wax lawadaago,waa markaan ka hadlo inta reer Sool ah ee ay wali ku sii jirto waxa la yiraahdo reer Waqooyi.

Siyaasada rasmiga ah ayaa waxay tahay kana siib kana saar,mid baaci inaadeerkiina keen,waana siyaasad ah inaan wax lawada wadaagin,taas oo ay la qabaan maamulka Puntland.

Haddaba dib ugu noqo Xoriyadii Somailand markii la doonay Ma Isaaq baa noo doonay?Mise Rag Beelaha ka socda ayaa tagay oo raali laysaga ahaa?

Yeey ahaayeen Dadka Xoriyada Raadiyay?

Maxayse ahayd kaalintii ay Beesha Dhulbahante ay ku lahayd waqtigaa?
Haddii Soomaaliya la tagay Ma beesha Isaaq baa Nagaysay?

Haddii Somalia laga go’ayo ma beel baa  Somali ka go’aysa?

Hadaba Beelahan maanta ku sugan dhulkii la oran jiray Somaliland

Ma jirto Beel aqbalaysa in Beel kale wax u yeeriso,dhulkeedana qabsato,sidaa mid la mid ah ayaanay dhulbahante uu dagaal kaxigaa inaad wax u yeerisaan ama xoog qabsataan ama ku haysataan dhulkooda.

Haddaan u noqdo ujeedada hadalkayga mar walba cida wax diidayay waxay ahaayeen raga talada hayay ee ka soo jeeda Beesha Isaaq.

Waxaana markaa kaa dhaqaaqay in tii waa weynayd ee garanaysay dadka,maanta oo aad 20 sano aad ku ababinaysay caruurta maalintii dalka la soo galay iyo maalintii dalka la xoreeyay oo aad u jeedaan 1991 ,ma isla keenayaan wiilka Buuhoodle ku dhashay ee aan xoriyadaaba ogeyn  iyo ka ka Gabiley ku dhashay?

Haddaba waxa jidh diidka wadaa waa adiga,waxa raba inuu xoog cid ku maamulo waa adiga,cida markii xamar latagay 1960 kii waqooyinimadii ka tagay waa adiga,cida jabhad qabiilo samaystay waa adiga,cidda SNM in lagula galo diiday waa adiga (waqtigii Garaad Cali iyo Sakhraan ee london),cida Beelaha ku soo duulay waa adiga,Cida Awoodii wada qaadatay waa adiga,cida dhulkoodii ka soo guuray waa adiga,cida dhulboobka ku socotaa waa adiga.
Hadaba gardarada maadigaa wada mise aniga?
Qiilka Beesha Isaaq haysato waa dhulka ayaa Somaliland Ingiriis ubixiyay,taana waxaan ka leeyahay Ingiriis hortii ayaa Isaaq,warsangali,dhulbahante,Ciise,Samaroon iyo Beelaha kalaba jireen,dhulkana daganaayeen, waxaana kuu hayaa Dhulka Dhulbahante inuu taariikh fog ku lahaa caalamka waxaana loo yaqaanay “Dolbahanta Country”.

Maxaa waxaas keenay?
Sababtoo ah xeer inoo dhaxeeya oo labadeena ina kala xirayaa oo aynu aqoonsanahay oo aynu kala qoranay majiro oo ay Garaadadayedii saxiixeen.

Haddaba waxaad u socotaa maadaama aad diiday waxyaalaha aan kor ku xusay oo dhan waa aan ku qabsado,arrintaana waxaan ka lee yahay ma qabsan karaysid, haddaad qabsato haysan kari mayside Nabdgalyada umaddaa walaalaha dab ha galin.

Haddaba Siyaasiinta reer Soomaalilandaw wasiir la magacaabo qiimo maleh,laakiin dadka wax kalaxira waa inay jiraan,waxaan idin leeyahay wiilashiina haku laynina dhulaan dadkiisu raali ka ahayn maamulkiina ay dhashay Jabhadda Qabiilka lagu aas aasay,sababtoo ah reer walba jabhad buu leeyahay.

Arrintaasna waxaa kugu filan dhawrka siyaasi ee ka soo jeeda Beesha Sool nin walbaab Beeshoodu wuxuu leeyahay jabhad intay rabaan diriri kara,raalina aan ka ahayn reer kale haku maamulo!!!

Waxaan dhulbahante Isimadiisu iyo Odayaashiisu aanay raali ka ahayn hadaad ku dhaqaaqdaan Boob baad wadaan ee ogaada.

Arrinta Kale marka Taliyaha Ciidamada Somaliland  oo ahaa masuulkii ciidamada Somaliland  usareeyay uu yiraahdo Ciidan Beeleedka Buuhoodle ama SSC waa alshabaab iyo waa argagaxiso, umadda oo dhanna ay og tahay xiisadii labada ardaa  ee reer buuhoodle iyo Qorulugud ka dhex bilaabantay inay sidan isku rogtay.

Hadalkaas isaga ah ma isagaa wax isku dhimay,ma reer buuhoodle ayuu wax u dhimay ,mise Somaliland ayuu wax udhimay?

Maxay ku kala duwan yihiin Taliye Taani iyo  99 (Waxay ka mid ahayd SNM,waxaana lahaa jilibka uu kasoo jeedo),hadaba haddii baarlamaan dadka kawaiil ah hadduu jiro saw baarlamaanka loogama yeereyn,taliyaha?.

Midda kale warbaahinta laga leeyahau Somaliland marka ay qorayaan aflagaadada noocaas ah iyo shidida colaadaha saw sharci maqabteen.

Maxay hadaba waagii 97 ee ergadii garaadku ay lahaayeen war si fiican aynu wax uqaybsano,ee la soo saaray lafaha,jariidadana lagu qoray Moorgan iyo Gabyaw nagama dhamman maxay maanta kaga duwan tahay?

Hadday taagan tahay ciidankii Somaliland baa beel lasaftay?
Mase jirtaa Guddi Dawladdu usaartay falkaasi sida uu u dhacay?
Sarkaalkii dhwaan Goostay Markii Taliye Taani la weydiiyay sida BBC du sheegtay waxa uu yidhi Ninkaasi Horjooge Ciidan Beeleed ayuu ahaa?
Taasi Miyaan macnaheedu  noqonayn Taliye Taanina waa horjooge,maadaama Col Dalbac oo la ogaa kaalintii uu ka qaatay  Somaliland inay tagto Laascaanood ,kana tirsanaa ciidanka Somaliland sida uu ka qiray Idaacada.
Mase laga og yahay Somaliland gaarista ay gaartay Laascaanood inay ahayd Khilaaf dhulbahante dhexdiis ahaa?.
Waxaad ogaataan qofna wuxuusan ogolayn inaan lagu khasbi karin?

waxaan ku soo gabagabaynayaa warbaahinta Somaliland waa inay joojiyaan beenta iyo dagaalka iyo riyada ay hayaan ee ah Buuhoodle Alshabaab baa jooga,laascaanood waa latagaye maxaa loo tagi waayay,gaar ahaan shabakada Haatuf News .

Arrinta mid lamid ah waxaan usheegayaa dhammaan umadda inay ogaadaan inaanay jirin wax heshiis dawladeed ah oo ka dhaxeeya Beesha Isaaq iyo Beesha Dhulbahante,waxa kaliya oo ka dhaxeeyayna uu ahaa heshiis nabadeed oo beeluhu galeen uuna bud dhige u ahaa (AHUN) Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac,heshiiskaana Somaliland ayaa jabisay oo weerar ku qaaday carro dhulbahante.

Waxaan kaloo umadda Soomaaliyeed u sheegayaa inaysan jirin wax dhulbahante ku heshiis yahay,waxa isku keeni karaana waa dawlad caadil ah oo la helo.

Siyaasiinta reer Sool ee Prosomaliland ta ah waa  inay dadkooda iyo Beesha Isaaq ba ay xaqiiqda u sheegaan,hadday heshiis hayaana ay banaanka soo dhigaan.

Reer Buuhoodle waxaan ugu baaqayaa inaysan aaminin cidna,maamulkasta haka socdo,tolkood ha ahaado- oo ay ilaashadaan magaaladooda iyo hubkooda,difaacna ay ugu jiraan,colaad iyo nabad tii loola yimaadaan ay qaataan.

Waxaan kaloo oo aan ku  baaqayaa in Dhulbahante Beel walba gudihiisa ka heshiiyo,loona yeero siyaasiyiintan kala raacsan maamulada oo ay beel waliba gudaheeda isa saxdo, mawqifna soo saarto.

Haddii taa la raaci waayo,bari yaanay dhicin nin siyaasi ah oo maamul xil ka ritay in beel kale aflagaadayso,sababtoo ah dee wax lagu heshiis yahayba ma jirto.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com