Home > Egypt (Masar), WARARKA > War deg deg ah Masar:Madaxweynihii Masar oo xilka ka dagay

War deg deg ah Masar:Madaxweynihii Masar oo xilka ka dagay

Friday, February 11, 2011

Feberuary 11,2011 Laaska News
Qahira – Madaxweynihii Masaarida Xusni Mubaarak ayaa xilka ka dagey kadib markii dalkaasi ka socdeen mudaharaad ba’an oo lagu diidan yahay Madaxweynaha iyo dawladda.

Madaxweyne kuxigeenka Masar ayaa ku dhawaaqay in madaxweynihii xukunka ka dagay,laguna wareejiyay Golaha ciidanka xoogga dalka masar.

Wareejinta lagu wareejiyay geeshka ayaa isna xaqiijiyay afhayeenka rasmiga ah ee xoogga dalka masar.

Malatariga ayaa sheegay inaysan wax ka badalayn sharciyadda wadanka.
Miidaanka Taxriir ee Qaahira ayaa hadda waxaa ka socda Damaashaad iyo farxado,waxaa kale oo damaashaadku ka socda meelo badan oo wadanka masar.
Isbadalkan ayaa waxa uu ku dhacay si nabad galyo ah.
Waxa faahfaahin ah lagama hayo meesha uu madaxweynihii xilka ka dagay ku sugan yahay.

Warara ayaa sheegaya in 3 diyaaradood ay ka qaadeen qasriga dhexdiisa madaxweynaha iyo dadkii la socday.

Laaska News.