Home > ALL DARWIISH NEWS, Somaliland, WARARKA > Buuhoodle:Maxbuus Dagaal oo lagu qabtay Kalshaale ayaa la siidaayay – waa Kuma? AKHRI + PHOTO

Buuhoodle:Maxbuus Dagaal oo lagu qabtay Kalshaale ayaa la siidaayay – waa Kuma? AKHRI + PHOTO

Saturday, February 12, 2011

Feberuary 12,2011 Laaska News.

“Waxgaradka Buuhoodle ayaa Siidayntaasi ku Micneeyeen in labada Beelood ee ka soo kala Jeeda Barbara iyo Buuhoodle aanay ka dhaxayn Wax Colaad ah”

 

(Buuhoodle Feb.11)-Waxa Maanta La siidaayey Kayse Jaamac Bulaale oo kamid ah Maxaabiistii lagu Qabtay Dagaalkii Dhawaan ka dhacay Deegaanka Kalshaale, Kayse Jaamac Bulaale oo katirsanaa Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa lagu soo Qabtay dagaalkaasi Waxana in Mudo ah lagu haye Magaalada Buuhoodle oo intii uu Maxbuuska ahaa loola Dhaqmay si Wanaagsan iyo soo dhawayntii ugu saraysay oo ka helay Dadkii gacanta ku hayey Kayse Jaamac Bulaale.

  Kayse Jaamac Bulaale oo Saxaafada Lahadlaya  Dhagayso   DHAGEYSO

Waxana Kayse Jaamac Bulaale la Siidaayey saaka kadib Markii kulan Balaadhan kadib Waxgaradka Buuhoodle ay yeesheen kadib in ninkaasi la siidaayo oo Deegaan ahaan ka soo Jeeda Magaalada Barbara ee Xarunta Gobolkaasi Saaxil, Waxayna Waxgaradka Buuhoodle Siidayntaasi ku Micneeyeen in labada Beelood ee ka soo kala Jeeda Barbara iyo Buuhoodle aanay ka dhaxayn Wax Colaad ah Kaysena la siiyey Xoriyadiisii, Waxa ugu horayba Hadalka Qaatay Oday Abdi Casiis Ducaale Qanbi

Goobtaasi lagu siidaayey ninkaasi ayaa Waxa Goob joog ahaa Caaqil Cabdi Samad Cali Xasan iyo Maxamuud Axmed Cabdi( Badhabadha) oo kamid ah Waxgaradka Buuhoodle oo Siidayta ninkaasi u galay Dadaal Xoogan, Kayse Jaamaca Bulaale oo kadib Siidaytiisa Warbaahinta la Hadlay ayaa Ka Codsaday maamulka Somaliland in si wanaagsan loola dhaqmo  Maxaabiista lagu Qab Qabtay Dagaalkii Kalshaale ee Ku Xidhan Xabsiyada Magaalada Burco iyo Mandheera.


Cali dhagjar
 Ceeggaag

Falanqaynta Dagaalkii Kalshaale oo ka socota Hargeysa iyo sida laysugu war la’yahay

Khasaarihii ka dhashay dagaalkii Shalay ka dhacay aagga Kalshaale ee degaanka Buuhoodle. – 29Dhimasho,51 Dhaawac(14 halis)

Dagaalkii Kalshaale ee maanta oo geystay Khasaarihii ugu badnaa iyo Gen.Tani oo calooshiisa banaanka soo dhigay

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay colaadii Kalshaale & Hagoogane – DHGEYSO

Laaska News.