Home > TFG Somalia, WARARKA > Muqdisho:Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi kariiin Xasan Jamac oo tababar u soo xiray shaqaalaha Telefishinka Qaranka

Muqdisho:Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi kariiin Xasan Jamac oo tababar u soo xiray shaqaalaha Telefishinka Qaranka

Saturday, February 12, 2011

February 12,2011 Laaska News
 
Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha iyo Isgaarsiinta Soomaliya Cabdi kariiin Xasan Jamac ayaa maanta aqoon kororsi socday muddo bil ah u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Telefeshinka  Qaranka kadib munaasabad ka dhacday xaraunta Wasardda Warfafinta.

Xafladan oo lagu soo gabagabeeyay tabar muddo bil ah u socday 14 ka mid ah shaqaalaha Telefishinka Qaranka Soomaliya ayaa waxa ka qeebgalay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi kariiin Xasan Jamac,  Wasiir ku xikeenka Wasaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamad Cabdulaahi “Geesey”  ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cali  Yuusuf “Bahlaawi” iyo xubno kale oo ka mid ah mas’uuliyiinta waaxyaha kaladuwan ee Wasaaraddaasi.

ugu horeeyn wxaa halkaasi ka hadlay Madaxa Telefishinka Qaranka  C/raxmaan Xasan Jimcaale oo ka warbixiyi Tababarkaasi oo uu sheegay in ujeedadiisu aheyd sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha ka howlgelidoona Telefishinka Qaranka.

Sidoo kale waxaa halkaasi hadal guubaabo ah ka jeediyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda   Maxamad Cabdulaahi “Geesey” oo wax lagu farxo ku tilmaamay in 20 Sano kadib la arko dhalinyaro u tababaran in ay ka howlgalaan t.v-ga Qaranka Soomaaliyeed isagoo kula dardaarmay dhalinyaradaasi in ay badiyaan dadaalkooda ku aadan u adeegida Bulshada.

Ugu tanbeeyntii waxaa xafladaasi ka hadlay Wasiirka Waarfaafinta Boosta,  Isgaarsiinta iyo Tignoolijiyada Mudane Cabdi kariin Xasan Jaamac oo sheegay in tababaradu ay sii socon doonaan isagoo ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu hawada u soo gali doono t.v-ga Qaranka Soomaaliyeed oo laga daawan doono dunuda oo dhan, kaas oo soo bandhigi doona barnaamijyo waxtarleh oo ku qotoma wadaniyad, iyo Soomaalinimo

Gabagabdii munaasabadaasi ayaa lagu soo ban dhigay Dikumiintiyo  ay soo diyaariyen Shaqaalaha t.v-ga Qaranka ee tababarku u soo dhamaaday, waxaana arintani ay qeyb ka tahay dadaalada ay Wasaaraddu ugu jirto dib u soo nooleeynta adeegyadii Warbaahinta dalka iyadoo Telefishinka Qaranka uu dhawaan hawada soo gelidoono.

RM  

Laaska News
www.wordpress.com