Home > ALL DARWIISH NEWS, TFG Somalia, WARARKA > Ceegaag:Xaflad lagu soo afmeeray qaybtii 2aad ee dhismaha Iskuulka Hoose/Dhexe ee Ceegaag Bari oo ka dhacday Ceegaag.

Ceegaag:Xaflad lagu soo afmeeray qaybtii 2aad ee dhismaha Iskuulka Hoose/Dhexe ee Ceegaag Bari oo ka dhacday Ceegaag.

Thursday, February 17, 2011

Laaska News Feberuary 17,2011

Please Support Egag Community to build  Egag Bari Boarding  School in Egag District, Somalia.

Ceegaag,(Feb.16)-Magaalda dhismeysa ee Ceegaag  ayaa si habsami ah uga socdaan mashaariicda horumarineed ee ay fulinayaan Ha’yadaha caalamiga iyo kuwa madaniga ah, Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagusoo afmeeray Dhismo ku kordhin ay Ha’yada Caalamiga ah ee Somali Canadian Education Rural Development Organization  (SCERDO) ka waday Iskuulka Ceegaag Bari.

Mar uu booqday wariye Cali Dhegjar Ceegaag ayuu noo soo sheegay in dhismayaasha magaalada Ceegaag ay si xawli ah u socdaan dhinaca kale ay magaalada hadhaysay culayska Abaaraha ku habsaday dhulka ay degaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga.

Mashruucan oo haya’da SCERDO ugu kor dhisay Iskuulka Hoose/ Dhexe ee Ceegaag Bari Sadex Qol oo fasalo ah, Xafiis, laba Musqulood, iyo Barkad ayaa la filayaa inuu mashruuca dhismihiisu haatan ka dib u jan jeersamo dhisida dhismayaasha Hoy-Ardayeed kasoo wax badan ka caawin doona ardayda qoysaskoodu reer guuraaga yahay inay helaan waxbarasho Joogto ah.

Mar aanu la xidhiidhnay qaar ka mid ah masuuliyiinta reer Ceegaag ayay noo sheegeen inay u mahad celinayaan Jaaliyada dibada Sidii ay ugu soo Gurmadeen Balse wali Abaartu hayso loona baahan yahay in taakulaynta dhinacwalba ah siiba tan Biyo-dhaaminta in aysan Jaaliyadu Hakad ka galin.

Duqa magaalada Ceegaag Cabdriigle Xaaji Cali ayaa isna u mahad calinaya Ha’yaada SCERDO sida ay mar walba uga qayb qaadanaso samato bixinta Dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Ceegaag oo ay u fidisay gacan gacaltooyo waasida uu hadalka u dhigaye.

                            Daawo Sawirada

 

This slideshow requires JavaScript.

 

ceegaag.com

 Related Story:

Ceegaag:Waxgaradka Degmada Ceegaag oo ka Hadlay Abaarta biyo la’aanta iyo Xaalufka ka jira Degmada Ceegaag ; BAAQA LASOCO/DHAGEYSO

Degmada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda:Biyo la’aan baahsan iyo xaaluf ka taagan,Gudoomiyaha Degmada ayaa ugu baaqay ha’yada samafalka ……….+MAP….

Laaska News

www.laaska.wordpress.com