Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Deg Deg:Dagaal qadhaadh oo ka soconaya aagaga Meygaagle,Hagoogane ee Colaada Kalshaale

Deg Deg:Dagaal qadhaadh oo ka soconaya aagaga Meygaagle,Hagoogane ee Colaada Kalshaale

Sunday, February 20, 2011

Hawd (Laaska News) – Wararka naga soo gaaraya aagaga dagaalka ee Deegaanka Buuhoodle ayaa sheegaya in saaka uu dagaal halkaasi ka bilawday kadib markii ay ciidamada Soomaaliland ay weerar ku qaadeen Ciidamo Beeleedyada reer Buuhoodle.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka socdo laba aag,dagaalkan ayaa saameeyay dhammaan deegaanada Meygaagle,Hagoogane iyo Sool Joogto,iyo Qorulugud,waxaana jira gurmadyo labada dhinaca iyo hub culus oo laysku adeegsanayo.

Dagaalka ayaa hadda lagu soo waramayaa in xagga Qorulugud la geeyay hal nin oo dhimasho ah iyo 4 dhaawaca sida laga helay dad deegaanka kasoo jeeda.

Dhimnaca Buuhoodle ayaa lagu soo waramaya inay jiraan lix dhaawac ah.

Waxa kale oo la sheegayaa in ciidanka weerarka soo qaaday ay beegsadeen ciidankii Col.Dalbac,waxaana warku intaa kudaraya inay iska caabiyeen,duulaanka xaqdarada ah ee ay ciidamada Somaliland ku soo qaadeen Carro dhulbahante.

Waxaa kaloo la sheegayaa maxaabiis lakala qabsaday iyo Gaadiid Dagaal.

Dhinaca kale Magaalada Laascaanood ayaa kacsan waxaana laga baqayaa mudaharaadyo rabshada wata inay ka dhacaan saacadaha soo socda.

Qasaaraha rasmiga ah ayaan wali la ogaan iyadoo uu dagaalkii wali socdo.

Wixii warar ah oo ka soo kordha haka fogaan Laaska News.

.Laaska News.

www.laaska.wordpress.com