Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, Somaliland > Puntland:Mudaharaadyo ka dhacay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo

Puntland:Mudaharaadyo ka dhacay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo

Sunday, February 20, 2011

Garowe(Laaska News) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee caasimadda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay mudaharaad lagaga soo horjeedo kuna canbaaraynayaan weerarka ciidamada Soomaaliland ay ku qaadeen saaka aroortii deegaano ka tirsan Gobolka Cayn gaar ahaan deegaanada maygaagle ee colaada Kalshaale.

Dadka mudaharaadayay ayaa ubadnaa dumar , dhalinyaro iyo caruur.

Sidoo kale ayaa magaalada Gaalkacayo uu mudaharaad ka dhacay markii labaad maanta iyada oo shalayna magaalada Gaalkacayo uu ka dhacay mudaharaad lagaga soo horjeedo maamulka uu madaxweyne ka yahay Dr.Faroole,laguna dhaliilayay arrimo dhawr ah oo ay kamid tahay Colaada kalshaale iyo Heshiisyada Galmudug iyo Puntland oo ay ku cabanayeen inaan iyaga waxba laga weydiin heshiiska.
Mudaharaadka Maanta ee Gaalkacyo ayaa ahaa mid balaaran ay soo abaabuleen Bulshadu gaar ahaan dhalinyarada,waxaana kamid ahaa siyaasiyiin caan ah oo horay xilal uga soo noqday maamulka Puntland.

Dadka mudaharaadayay ayaa cambaareeyay maamulka Somaliland dagaalada iyo colaadaha ay ku wado bulshada Gobolka Cayn,sheegayna inay ka soo horjeedaan colaada Kalshaale iyo weerarka ciidamada Somaliland kusooqaadeen dadka rayadka ah ee deegaanada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.

Sidoo kale ayay ku dhaliileen xukuumada Dr.Faroole  wax ka qabasho la’aanta balan qaadkii xukumada.
Laaska News.

www.laaska.wordpress.com