Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, SOMALI NEWS, Somaliland > Deg Deg: Ciidanka Daraawiishta Puntland oo soo gaaray Tukaraq,oo Weerar ku ah Laascaanood Mise waa Dhoolo tus?

Deg Deg: Ciidanka Daraawiishta Puntland oo soo gaaray Tukaraq,oo Weerar ku ah Laascaanood Mise waa Dhoolo tus?

Tuesday, February 22, 2011

Laaska News Feberuary 22,2011

Lasanod(Laaska News) War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidanka daraawiishta Puntland iyo ciidamo kale ay soo gaareen Tukaraq,ciidankaas oo lagu soo waramayo inay damacsan yihiin inay weerar ku qaadaan Laascaanood,waxaa kaloo lagu soo waramayaa inay jiraan ciidan Beeleed weheliya.

Dhinaca Buuhoodle ayaa waxaa jira Gurmadyo ka imanaya deegaano kala duwan oo lagu xoojinayo difaaca Buuhoodle xagga dhinaca Somalilandna ay soo dhoobtay ciidamo Laascaanood iyo Kalshaale.

Qorshaha Puntland ayaa ah inay Lasanod qabsato,maadaama ay Somaliland duulaan ku tahay Buuhoodle.

Waxaa laga yaabaa in aroorta Carro dhulbahante xabadi kawada bilaabanto.

Waxaa kale oo lagu soo waramayaa inay dhaqdhaqaaqani uu yahay riwaayade kale oo uu diyaar yahay qorshihii Buuhoodle gacanta loogu galin lahaa Somaliland.

Puntland ayaa waxa ay aad uga soo horjeedaa in SSC du ay raad ku yeelato Deegaanada Beesha Sool,taas oo ay ku wada socdaan Somaliland.

Lasoco wixii kasoo kordha.
Laaska News