Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, Somaliland > Wararkii ugu dambeey ee Hawd,Laascaanood iyo Nugaal iyo Xaaladaha ka aloosan

Wararkii ugu dambeey ee Hawd,Laascaanood iyo Nugaal iyo Xaaladaha ka aloosan

Tuesday, February 22, 2011

Laaska News Feberuary 22,2011.

Laascaanood (Laaska News) Wararka laga helayo Buuhoodle iyo deegaanadii uu dhawaan dagaalku ku dhacay ayaa maanta degan,waxaana wali jira saansaan colaadeed.
Dhinaca kale magaalada laascaanood ayaa degan hadda oo ah 4:oo galabnimo ee waqtiga magaalada,waxaana goobjooge ku sugan u cadeeyay in ciidan Puntland ah oo tigniko badan wata ay soo gaareen oo ay hadda ku sugan yihiin meel udhaxaysa Magaalada Tukaraq iyo Gambadhe ee dhinaca Nugaasha.

Ciidanka Somaliland ayaa la sheegay inay iyagu joogaan meel gambadhe u dhaw oo dhinaca Laascaanood ka xigata.

Waxa uu intaasi ku daray inaanay jirin ilaa hadda wax dagaal ah oo dhacay,waxaase muuqata in saacad walba uu dagaal qarxi karo.

Waxaa kale oo muuqata tabaabusho iyo ciidamo laga gurayo dhinac walba,aagaas laysku hor fadhiyo.

Somaliland ta ayaa la sheegay inay ciidamo badan ka keentay maanta xagga Waqooyi oo ay ugudbeen dhinaca ay Puntland tu ciidanka keentay.

Ciidanka Puntland ayaa la sheegay inay weheliyaan ciidan beeleed.

Lasoco wixii kasoo kordha iyo warar sugan.

Deg Deg: Ciidanka Daraawiishta Puntland oo soo gaaray Tukaraq,oo Weerar ku ah Laascaanood Mise waa Dhoolo tus?

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com

Advertisements
%d bloggers like this: