Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, Somaliland, WARARKA > Buuhoodle:Dagaal is tuur tuur ah oo la ga soo sheegayo Colaadii Kalshaale

Buuhoodle:Dagaal is tuur tuur ah oo la ga soo sheegayo Colaadii Kalshaale

Wednesday, February 23, 2011

Laaska News Feberuary 23,2011.

Wararka laga helaya deegaano ka tirsan Buuhoodle ayaa sheegaya in saaka dagaal xabada goos goos ah uu ka dhacay,waxaana uu dagaalkani ku soo aaday iyadoo baaqyo iyo wadahadalo la wado sidii ay Ciidamada Somaliland meesha uga bixi lahaayeen,markii taa la maqlayna waxaa saaka la bilaabay rasaasta sidii caadiga ahayd.

Waxaa kaloo soo baxaya warar kale oo sheegaya in kooxo gaar ah aysanba rabinba in meesha wax nabad ahi ay ka dhacdo.

War jiraa cakaaruu iman ,dhibtuna dadka deegaanka ayay ku dhacayso.

Wixii kasoo kordha waa idiin soo gudbinaynaa,dagaalkanna waa mashruuc loogu tala galay in aanay dadka reer hawdku aanay nabad helin,wuxuuna ka socdaa Afar Jiho.

Waxaannu ugu baaqaynaa in Somaliland Ciidamadeeda kala baxdo,markaas ayaa wax kala cadaanayaan.

Haddii ay kala bixi weydo waxaa somaliland ku dhacaysa tii jarmalka ka qabsatay Raashka Dagaalkii Labaad ee adduunka.

Wixii ka soo kordha kala soco Laaska News.

Laaska News.

Advertisements