Home > TFG Somalia > R/wasaare Farmaajo oo ka hadlay dagaalada + Waraysi VOA – DHAGEYSO

R/wasaare Farmaajo oo ka hadlay dagaalada + Waraysi VOA – DHAGEYSO

Wednesday, February 23, 2011

Laaska News Wednesday, 23 February 2011 
Muqdisho (RM) –R/wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay horumarka ay ciidamada Dowladu ka gaareen dagaalada ka socday Muqdisho, Gobolada Hiiraan, Gedo iyo Bakool.

R/wasaare Maxamed Ca/llaahi Farmaajo oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay guulaha ay ciidamada Dowladu ka gareen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada kale ee dalka, xiligaas oo uu labisnaa Tuutaha ciidanka,  isla markaana ay la joogeen xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada, sida Wasiirka Gaashandhiga, Arimaha gudaha iyo Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta.

Waxa uu R/wasaare Farmaajo sheegay in ciidamada Dowladu ay guulo ka gaareen dagaladii saaka, isagoo xusay  in ciidamadu ay la wareegeen facan ku heynta deegaanno ay ka mid yihiin Xaruntii Gaashaabdhiga, Rugta Saraakiisha iyo fariisimo kale oo muhiim ah.

R/wasaare Farmaajo ayaa xusay in Dowladu ay dagaalada sii wadidoonto, ilaa laga xaqiijinayo amaanka dalka, isagoo oo hoosta ka xariiqay in Maleeshiyaadka Ajaanibta ah ee ka dhinac dagaalama Shabaab ay yihiin danbiiilayaal ku soo duulay dalkeenna.

Sidoo kale R/wasaaruhu waxa uu sheegay in dhaqdhaqaaqyo kale ay ciidamada Dowladu ka wadaan Beledweyn, Beledxaayo iyo qeybo ka mid ah Gobolka Bakool, wuxuuna rajo ka muujiyay in dhawaan la soo afjaridoono jiritaanka Shabaab, isagoo amaan u soo jeediyay ciidamada Qalabka sida.

Dhinaca kale R/wasaare Farmaajo waxa uu la kulmay xubno  ka socday Ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed kuwaas oo isugu jiray gabdho iyo wiilal, wuxuuna kula dardaarmay in ay taageeraan ciidamada Xoogga, ayna gacan ka  geystaan sidii loo badbaanin lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

RM.

Raysal Wasaare Farmaajo oo ka waramay Dagaaladii maanta dhacay.

Halkan ka dhageys Waraysiga VOA la yeelatay R/Wasaare Farmaajo. DHAGEYSO 

Read More:

Somali troops seize rebel bases in Mogadishu: govt

Somalia:Dagaalka maanta ka dhacay Muqdisho,Baled Weyne,Baled Xaawo …

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com