Home > Baargaal, WARARKA > Baargaal:Shir Sanadeed Looga Warbixinaayo Baraf dhaliyaha FAO oo Ka dhacay Degmada Baargaal

Baargaal:Shir Sanadeed Looga Warbixinaayo Baraf dhaliyaha FAO oo Ka dhacay Degmada Baargaal

Thursday, February 24, 2011
Laaska News Feberuary 24,2011
Baargaal (Laaska News)-Waxaa Xarunta Shirkada Kaluunka & korontada Baargaal Lagu Qabtay  Shir Sanadeed looga warbixinaayo Waxqabadka Barafdhaliyaha Barafka Xashka ee Hay’ada FAO Ka hirgalisay Degmada Baargaal. 
 

 

Shir sanadeedkan oo ay ka soo qaybgaleen  odayaasha Degmada , Ganacsatada,  iyo Maamulka shirkada Barfisco oo ayadu gacanta ku haysa maamulka Baraf – dhaliyaha.

 
 

 

Xarunta Shirkada Kaluunka & korontada Baargaal -Barfisco

 

 

Shir sanadeedkan ayaa waxaa khudbad dheer oo ku aadan waxqabadka mudada halka sano ka soo jeediyay Maareeyaha Guud ee Shirkada Barfisco Mudane Maxamed Muuse axmed oo tibaaxay hawsha baaxada leh ay qabteen mudadii Halka sano ahayd.

Waxaa kaloo shirka looga hadlay, dhibaatooyinka hortaagan iyo sidii loo Horumarin lahaa habka shaqada  barafdhaliyaha  ayadoo ay ganacsatadu soo Bandhigtay hindiso ah in lasoo iibsho Barafdhaliye Labaad si loo Daboolo Baahida Jirta .

Maxamed Ibrahim.
Baargaal / Gobolka Bari. 
 

 

Laaska News.