Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, SOMALIA, Somaliland > Degdeg:Maxaabiistii lagu qabtay Dagaaladii Colaada Kalshaale ee Somaliland haysay oo caawa soo gaaray Buuhoodle

Degdeg:Maxaabiistii lagu qabtay Dagaaladii Colaada Kalshaale ee Somaliland haysay oo caawa soo gaaray Buuhoodle

Sunday, February 27, 2011

Laaska News Feberuary 27,2011

Buuhoodle (Laaska News)Wararka laga helayo Magaalada Buuhoodle ayaa ku soo waramaya in Maxaabiistii reer Buuhoodle ee lagu qabtay Dagaaladii Hagoogane iyo Maygaagle ay soo gaareen caawa magaalada Buuhoodle, waxaana loo soo dhaweeyay si heer sare ah iyadoo galabta ay ka hortageen culumada iyo wax garad kale,waxaana lagu soo waramayaa in raggii waday ay ku wareejiyeen culumada,  iyadoo  horay  looga digay  inay gaaraan ama soo galaan Buuhoodle.

Ragga waday ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo jeedaan deegaanada SSC laakiin ka tirsan maamulka Somaliland.

Maxaabiista ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin dhawr iyo afartan.

Waxaa kaloo lagu soo waramayaa in la aasay Berkadihii Kalshaale ee labada Beelood ay ku muransanaayeen .

Deg Deg:Ma runbaa in Siilaanyo saacadaha soo socda Aasayo Kalshaale,Maxaabiistii sii daynayo,ciidamadana ka qaadayo – Exclusive Laaska News

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com

Advertisements
%d bloggers like this: