Home > ALL DARWIISH NEWS, Faallo, Somaliland > FAALLO:Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mr.Cadami Muxuu ciidamada Somaliland u gayn waayay carro Warsangali iyo Galgala?

FAALLO:Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mr.Cadami Muxuu ciidamada Somaliland u gayn waayay carro Warsangali iyo Galgala?

Monday, February 28, 2011

 Su’aasha jawaabteeda waxa laga rabaa ragga reer Buuhoodle ee xukuumada Siilaanyo ku jira.

Maxaa ragga Buuhoodle loo waydiinayaa,iyaga waaba lagu duulaye.

Oo hadaa yaa la weydiinayaa? dee siilaanyo
Dee Xukuumada Siilaanyo iyo Beeshiisa.

Xukuumada Siilaanyo dee waa Kulmiye

War xaqiiqda ka hadla,waa  jabhado xukuumado sheegtay oo ay dalad u tahay Jabhada SNM ee qaadatay magaca Somaliland ee uu Siilaanyo madax ka yahay.

Haddana Soomaali iyo caalamkiiba waa ogaaday inaad hadaad   Isaaq iyo xulufadiisa ay ku wada socdaan dhulboobka,waaba jabhadii SNM oo tay(tie) noo soo xidhatay.

War waa ciidan qaran oo xuduudaha Somaliland Sugaya,Beelihii halkaa ku diriray la kala dhex dhigay,SNM waa laga tagayoo waa tii dalka xoraysay.

Jabhadiinaas  SSC ayaa ciidanka  soo weerartay,ciidamkuna waa is difaacay.

Idinka ayaa Weerarka iyo dhulboob ku socda,waxaad weerarteena waa dadkii deegaanka oo waliba dad reer guuraa ah,waxaad socotaana waa Buuhoodle,dadka SSC na waa tooseen.

Dee Xuduuda Somaliland waa la soo xirayaa Buuhoodle ayaad sheegaysaaye Badhan iyo Gal galaba waa la tagayaa.

Reer barigu waxay markaas oo kale yiraahdaan Boowe aa la tahay.

Waxaad u eg tahay nimaan dhulka kala aqoon,horta dhulka aad haweysanaysaa halkaan kama tirsana,waa mide, horta ciidan ba mahaysidoo wixii dhulkaan laga guraayay waatay Kalshaale dhaafi waayeen,haddaadse hesho oo aad soo gaarto carro Warsangali nin ka soo noqon maayo,sabtoo ah Daraawiishiba waa ku jabtay dhulkaa.

War dee deegaanka dhulabhante ayaa ina soo xiga oo warsangaligu wuu ka dambeeyaa.

.
War is ka daa annaga noo dhuuman maayaane, SNM ta kalasoo baxa Kalshaale iyo deegaanada Dhulbahante,haddaanuba makhaayadaha idinka fadhin la’nahay,markay Daraawiishii gadoodo saw dabaw duur gal noqonmayso.

War kaftanka wuxuu ku wanaagsan yahay in laysla helo.

Oo kaalay xukuumada Siilaanyo intee xukuumadood ku hoos jira?

Dee taa dhulboobka Bari iyo Galbeedba ka wada ,bal yaa u degaya ma Oromada la soo kordhinayaa?

War waa maxay oromadaad sheegaysaa maanagaa oroma?

War saw taa oramadii iyo xabashidii ay dhooban tahy Hargeysa iyagaaba nagaga badane,maxaad la qaylin?

War anaaba kuu qiray meesha inay xukuumado isku hoos jira ay jiraan war bal eeg tan ay kaga dheg tay Kalshaale iyo Buuhoodle ee siilaanyo ka harsan waayay,bal tan Hargeysa xaafada dhan gubtay xagay ka tirsan tahay ee Somaliland ku wareertay,tan ganacsigii la wareegtay,ta Berdaale na ku dar,mid xeebtaa Galbeedkaana kudar,halkaa Ceergaabana qaarba iyana laga sheegayay.
Waxaase ugu daran tan dumarkii gayiga Soomaaliyeed joogay Wagerka isugu dhiibtay ee gabadh iyo habaryarteed ay daqarada iska jeexeen oo warbaahintii caalamkuba ku mushquushay shirarkooda iyo bayaanada deg dega ah ee ay isugu jawaabayaan warbaahinta  sidii hogaamiyaashii Beershiya.
War Galgala awal xagay ku taalay?
dee Wasiirka weydii?

War maxaa Gal gala keenay waa bari salkiise.

Ma bariga Somaliland?

Maye bariga,Boosaaso.

oo haddaa Laascaanood iyo Badhan  tee sokaysa,oo xagan Hargeisa  soo xigta?

Waar nimankiinan maanta badhan iyo Laascaanood is weydiinaya xaggee gayigan Soomaaliyeed kaga noolaydeen mise waad soo gasheen?

Waryaa waa ninka! annaga Somaliland baa nala yiraahdaa,waa maxay Soomaalidaad sheegaysaa?

War waad dagaalansan tahaye isdajiyoo ninku  wuxuu ku weydiiyay goormaad Hargeysa iyo dhulkaan soo gashay oo aad timid?

Dee 1991 baannu soo galnay markii dalka la xoreeyay.

Dee haddaa Somaliland ta ba  umado badan baa ku jirtee  faylashii Beelaha iyo Caaqiladooda  ee waqtigii Ingiriiska waa in la raadiyaa iyo Cuqaashii barigaa hadday wax ka sii nool yihiin.

War waxii faylal  ahaa ee dhulkan yaalay saw tii Ingiriis qaatay intii uu ka tagayna waa tii reerkani gubay.

Dee saa na dheh meeshu waa maraykankii Afrikoo ninba maalin buu soo galay.

 

War nabad baannu wadnaa.

Nabad cid diidaysaa ma jirtee, nabad buuxda waxaa la helayaa markaad ciidamadiina naga dul qaadaan mise haddaadba dhul kale u socotaan hadalkiinu,waaba cad yahaye.

 

Waa sheeko ka dhacday Hargeysa meel dadku isugu yimaadaan Kalshaale ka dib.Waxayna dhex martay dad deegaano kala duwan ka soo jeeda.

Hadaba Maxay tahay Waxa ku xiga dhacdada Kalshaale iyo Buuhoodle kadib.

Maxamed Cali

Hargeisa

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com