Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, SOMALIA, Somaliland, WARARKA, WORLD > SSC – Mudaharaadyo ka dhacay Buuhoodle,Lasanod & London oo lagaga soo horjeedo Mucaawinada UK iyo Somaliland – PHOTO + VIDEO

SSC – Mudaharaadyo ka dhacay Buuhoodle,Lasanod & London oo lagaga soo horjeedo Mucaawinada UK iyo Somaliland – PHOTO + VIDEO

Sunday, March 6, 2011

Laaska News March 06,2011

London (Laaska News) – Wararka laga helayo magaalada London ayaa ku soo waramayaa in uu mudaharaad ka dhacay aqalka Raysal Wasaaraha hortiisa,dadka mudaharaadaya ayaa sheegay “inay ka soo horjeedaan mucaawinada UK ay siiso maamulka la baxay Somaliland, ayna kagaysteen dilal iyo xasuuq deegaanada SSC”.

Dhawaan ayaa ingiriisku sheegay inuu kordhinayo mucaawinada uu adduunka siiyo,kordhinta ugu badanna ay heli doonaan Soomaaliya,Somaliland na ay heli doonto 40% mucaawinada uu siinayo Somalia.

Dadka Mudaharaadayay ayaa watay boodhadh iyo sawiro.

Halkan ka daawo  Mudaharaadka ka dhacay London PHOTO.

 

This slideshow requires JavaScript.

Halkan ka daawo  SSC Banaanbax London VIDEO

 

Source:SaciidNabadoon.

Mudaharaadka Buuhoodle

 

Mudaharaad kale ayaa galinkii hore ee shalay ka dhacay Buuhoodle lagaga soo horjeedo Somaliland iyo ciidamadeeda, dagaaladii ka dhacay deegaanada ka tirsan Buuhoodle.

Dadkaa Mudaharaadayay ayaa sheegay inay banaan baxaan kaga soo horjeedaan mucaawinada UK ay sii so Maamulka Siilaanyo,waxayna ku dhawaaqayeen ha dhacdo siyaasada Ingiriisku,Somaliland,Siilaanyo, iyo xubno kale oo kujira maamulka.
Waxaana lagu soo waramayaa in qaar ka mid ah madaxda SSC ay fagaaraha dadka kala hadleen.

Halkan ka daawo  Mudaharaadka Buuhoodle

Mudaharaadka Laascaanood:

Mudaharaad kale ayaa xalay ka dhacay magaalada Laascaanood lagaga soo horjeedo sidoo kale siyaasada,mucaawinada UK iyo Somaliland.

Mudaharaadkan xalay ayaa lagu soo waramayaa in boolisku dad qabqabteen.
Dhammaan mudaharaadyadan ayaa ah kuwo wada socda iskuna ujeedo ayna ku diidan yihiin Maamulka Somaliland iyo xulufadiisa.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com

%d bloggers like this: