Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, Somaliland, WARARKA > Sool:Dagaal ka dhacay aaga Gambadhe Maanta & Is eedynta Somaliland iyo Puntland

Sool:Dagaal ka dhacay aaga Gambadhe Maanta & Is eedynta Somaliland iyo Puntland

Monday, March 7, 2011

Laaska News March 07,2011

Lasanod (Laaska News) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa ku soo waramaya in galinkii dambe ee maanta uu dagaal ka dhacay deegaanka Gambadhe.

Wararka laga helayo dagaalkaas ayaa waxa uu yahay warar is khilaafsan,waxaana jira warar sheegaya inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac ba  leh oo labada dhinac ee dagaalka isaga hor yimid, waxaana garab socda is eedeyn  ay warbaahinta isku marinayaan Somaliland iyo Puntland.

Dagaalkaas oo ay isaga hor yimaadeen Ciidanka maamulka Somaliland ee ku sugnaa meel udhaw Gambadhe iyo Ciidan ka soo ruqaansaday magaalada Tukaraq iyo aag u dhaxeeya Gambadhe iyo Tukaraq.

Ciidankaas ayaa lagu sheegay inay yihiin ciidan Beeleed ka soo jeeda Deegaanka Tukaraq oo taxaaluf la’ah Maamulka Puntland.

Waxaana lagu soo waramayaa in ay weerka soo qaadeen ciidanka ka soo ruqaansaday deegaanka Tukaraq ayna weerar laba dhinac ah ku soo qaadeen ciidanka Somaliland ee ku sugnaa aaga Gambadhe, mana jiraan ilo madax banaan oo arrintaas cadaynaysa.

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu jiro Qasaare labada dhinac ah,inta la hubana waxaa jira ilaa 8 qof oo dhaawac ah oo labada dhinac ah.

Waxaana la sheegay in la’arkay dhaawaca 4 askari oo ka tirsan Ciidanka Somaliland oo la gaarsiiyay Laascaanood,waxaa kaloo lagu soo waramayaa in ilaa 3 qof oo dhaawac ah la gaarsiiyay Garowe.

Waxaa kale oo la sheegay in gaari laga qabtay ciidanka Tukaraq.

Dagaalkan ayaa waxa uu ku soo aaday iyadoo saacado ka hor
Maamulka Puntland  ku eedeeyay Somaliland inay ka wado colaad Gobolka Sool iyo Cayn.

Maamulka Somaliland ayaa dagaalkan ku eedeeyay  in ciidankooda ku sugnaa aaga Gambadhe ay Ciidamada Puntland weerar ku soo qaadeen maanta 2:00 duhurnimo sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidanka  Somaliland.

Somaliland ayaa waxa kale oo ku eedeysay Puntland inay Mudaharaadyada Laascaanood ka socda ay Puntland ka dambayso.

Laascaanood ayaa waxaa ku sugan wafdi katirsan maamulka Somaliland oo isugu jira Wasiiro iyo golayaasha maamulkaas,kana soo jeeda Gobolka Sool.

Waxaana jira Mudaharaadyo iyo kacdoono ka socda magaalada,waxaana jira dad ay qab qabteen boolisku.

Ciidanka lagalay dagaalka ciidanka Somaliland ayaan jirin cid uhadashay ama sheegatay inay dagaalkaa qaadeen ama ka warama qasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray.

Magaalada Tukaraq ayaa ah magaalo udhaxaysa Laascaanood iyo Garowe waxaana horay ugu sugnaa ciidan beeleed ka amar qaata Axmed Karaash oo ahaan jiray Wasiir  maamulka Puntland,kana soo jeeda deegaanka SSC.

Gambadhe ayaa ah magaalo udhaxaysa Laascaanood iyo Tukaraq.
Maamulka Puntland ayaa horay ciidamo ukeenay magaalada Tukaraq in kastoo ay jiraan warar sheegaya in ciidankaas dib loo ceshay.

Wixii dagaalkaa kasoo kordha kala soco Laaska News.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com