Home > ALL DARWIISH NEWS > Laascaanood:Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool ee Somaliland oo ladilay iyo ku xigeenkiisii oo la dhaawacay iyo Caawa

Laascaanood:Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool ee Somaliland oo ladilay iyo ku xigeenkiisii oo la dhaawacay iyo Caawa

Monday, March 7, 2011

Laaska News March 07,2011
Lasanod (laaska News) warka laga helayo magaalada Laascaanood caawa ayaa sheegaya in bartamaha magaalada ay dabley hubaysan ay toogasho ku dileen Taliyihii ciidanka Sirdoonka Gobolka Sool ee dhinaca Somaliland Maxamuud Maxamed Xirsi (Asad),waxa kale oo dhaawacmay kuxigeenkiisii oo lagu magacaabo Carab Qawdhan Warsame iyo qof dumar ah.

Waxaana lagu soo waramayaa in meeshaa laga maqlayay rasaas laba dhinac ah oo laysku ridayo iyo ciidamo farabadan oo soo gaaray goobtii falku ka dhacay iyo meelo kale oo magaalada ah.

Ma jiraan ilaa hadda cid loo qabtay ama haybtooda la helay oo falkaas gaysatay,waxaana suura gal ah in qasaaruhu intaa ka bato sida uu ku soo waramayaan dad kusugan magaalada Laascaanood oo sheegay in rasaas waalan ay dhacaysay goobta falku ka dhacayna ay ahayd meelo makhaayado iyo meelo ay dadku ubadan yihiin ah,xabada huna ay iska dhacayaan.

Wixii ka soo kordha kala soco Laaska News.

Related Story:

Wararkii ugu dambeeyay ee Laascaanood iyo dilkii xalay ka dhacay oo laba qof ah

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com