Home > Baargaal, WARARKA > Baargaal – Wafdiga Horumarinta Gobolka Raascasayr oo lagu so dhoweeyay Magaalada Baargaal si Heer sare

Baargaal – Wafdiga Horumarinta Gobolka Raascasayr oo lagu so dhoweeyay Magaalada Baargaal si Heer sare

Wednesday, March 9, 2011

Laaska News March 09,2011

.

Baargaal (March 03) -Dadwaynaha Degmada Baargaal ee Gobolka Bari oo ay horkacayaan Odayaasha Degmada , Maamulka , Culamaau’diinka iyo Ganacsatada Degmada ayaa maantay si cajiib ah u soo dhaweeyay Wafdiga Horumarinta Gobolka Raascasayr  oo ka qaybgalaayay Shir  ka dhacaaya Baargaal .

Wafdigan  ayaa markay gaareen magaalada waxa si heersare ah oo aan loo
kala harin u soo dhoweeyay dadwayne aad u badan kuwaaso ay ka muuqdeen shacuur iyo dareen aad u sareeya.

.

 

.

.

Wafdigan ayaa Soo gaaray magaalada Baargaal , salaada casar Ka bacdi ,
ayagoo maantay soo harsaday Fagoole ,waxaana la oran Karaa waxaa maantay Soo Dhawaynta Isu soo Baxay Shacabkii Magaalada baargaal oo Dhan  , waxayna Wafdiga uga horyimaadeen duleedka Magaalada.

Wafdigaan Ayaa waxaa Magaalada U soo Galbiyay oo Horkacayay Gawaari
soo Dhawaynta si wayn uga qaybgashay isla markaasna horsocotay gawaarida Wafdiga ilaa ay ka soo kasoo galeen.

Isku soo wada duuboo Waftigan oo ka KAla Yimi Daafaha Aduunka  ayaa
iyagu maalmahanba Socdaalo  ku kala bixinayey qaybo ka mid ah gobolka
iyada oo ujeedada safarkoodu uu yahay inay ka qayb galaan shirwaynaha
ka dhacaya degmada baargaal ee beelaha siwaakhroon.

.

Maxamed Ibraahim.

.
Baargaal / Gobolka Bari.

.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com