Home > TFG Somalia > R/wasaaraha Somalia oo kula kulmay madax kala duwan New York

R/wasaaraha Somalia oo kula kulmay madax kala duwan New York

Thursday, March 10, 2011

Laaska News Thursday, 10 March 2011 

New York  (RM) – R/wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa kulamo la qaatay
madax ka tirsan caalam ka iyo saraakiil Qaramada Midoobay ka mid ah.

Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Cilmi Ducale ayaa Radio Muqdisho u sheegay in R/wasaaruhu uu kulamada uu qaatay looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Siyaasadda, Nabadda, bani’aadamnimada, Tacliinta iyo shaqa abuurid loo sameeyo dadka Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta uu la kulmay R/wasaaraha ayaa muujiyay sida loogu baahan yahay in dowladda FKMG ah laga taageero arrimahaan, ayadoo dowladaha qaar ay ballan qaadeen in ay wax kala qaban doonaan waliba si deg deg ah.

Arrimaha bani’aadamnimada ayaa si weyn loogaga hadlay kulamadaasi ayadoo R/wasaaruhu uu ka hadlay dhibaatada ay abaaruhu ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

.

RM.

.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com

 

Related Articles:

 

Italy:R/wasaaraha oo la kulmaya dhiggiisa dalka Talyaaniga

 

Prime Minister of Somalia Addresses Security Council

 

Muqdisho:R/wasaare Farnaajo oo khudbad u jeediyay Soomaalida ku nool Minnesota, DHEGEYSO KHUDBADAHA