Home > TFG Somalia > Shiinaha oo taageereysa Soomaaliya

Shiinaha oo taageereysa Soomaaliya

Friday, March 11, 2011

Laaska News  March 11,2011     Warka TFG da
(RM) -Mar.10-Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay  ay taageereyso  nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya iyo xoojinta howsha siyaasadeed ee dowladda, sida uu sheegay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya QM  Lii Baw Dong oo hadda haya guddoomiyenimada wareegga ah ee Golaha ammaanka .

Lii Baw Dong,  oo Arbacadii xarunta QM ee magaalada New York, kulan kula qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowladda Shiinuhu ka shaqeyneyso diyaarinta iyo qabashada kulan furan oo Golaha ammaanku ka yeelanayo arrinta Soomaaliya.

Waxa uu safiirku sheegay in dowladda Shiinuhu had iyo jeer barbar taagantahay Soomaaliya iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyadoo la tixgelinayo heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Djibouti, oo lagu soo dhisay dowladda , kaas oo ay garwadeen ka ahayd QM.

Safiirka Shiinaha ee QM Lii Baw Dong, waxa uu tilmaamay in kulanka Golaha ammaanku  dhawaan yeelan doono  diiradda lagu saarayo  xal u helidda qadiyadda Soomaaliya iyadoo loo marayo istiraatiijiyad loo dhanyahay.

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaa isna dhankiisa ammaanay  xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha  iyo hindisaha dowladda Shiinaha ee ah in Golaha Ammaanku yeesho fadhi furan oo looga doodo xal u helidda arrinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Farmaajo waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dowladda Shiinuhu kaalin weyn ka ciyaari doonto  sidii caalamka looga dhaadhicin lahaa xal u helidda dhibaatada ka taagan Soomaaliya.

RM.

Laaska News.