Home > Baargaal, PUNTLAND, WARARKA > Baargaal:Beelaha Calbari & Laaso Surad oo Maalintii Sedexaad Shir Uga Socdo Baargaal + SAWIRRO

Baargaal:Beelaha Calbari & Laaso Surad oo Maalintii Sedexaad Shir Uga Socdo Baargaal + SAWIRRO

Saturday, March 12, 2011

Laaska News March 12,2011.

Baargaal (Laaska News) – Waxaa Maalintii Sedexaad Galay Shirwayniha Guud ee Watatashiga,nabada iyo Horumarinta Beelaha Calbari & Laaso Surad , ee ka socda Degmada baargaal ayadoo maalmihii Shalay ahayd lagu Dhawaaqay Gudiyo Ka Arimiya Ajindada hortaal Shirka.

Gudiyadaas lagu Dhawaaqay ayaa kala Ah :

    Gudiga siyaasada  Degaanka CAlbari  iyo Laaso Surad.
    Gudiga Horumarinta waxbarashada.
    Gudiga horumarinta Caafiimaadka.
    Gudiga Horumarinta adeegyada Bulshada  sida Wadooyinka ,Biyaha Iwm.
    Gudiga wacyi galinta Shacabka.
    Gudiga xalinta khilaafaadka .

Shirwaynaha Wada Tashiga, Nabada & Horumarka  ayaa waxaa u dhan
aqoonyahanada, culimada, qurba joogta ,  oo  isugu jira qurbo joogta
maraykanka , Qurbo Joogta yurub , Qurba Joogta , Jaziirada carabta ,
Qurbo joogta Bariga Asia , Ururada Dhalinyarada , Ururada haweenka
Degaanka.

 

Shirka ayaa Labadii Maalmood ee Lasoo Dhaafay Ku socday  jawi heersare
ah  waxaa halkaas ka hadlay Isimo , siyaasiyiin ganasato, abwaano oo
iyagu ku Muujiyay  murtidooda ujeedooyinka la isugu yimi shirkaan ,
waxaa sidoo kale ka hadlay ururada dhalinyarada ,kuwa haweenka dhamaan waxay taabteen sida loogu baahan yahay in laga shaqeeyo horumarinta adeegyada bulshada sida caafiimaadka ,waxbarashada , wadooyinka, biyaha , IWM.

 

 

.

 

 

 

 

.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

.

 

This slideshow requires JavaScript.

.

Maxamed Ibrahim axmed
Gobolka Bari / Baargaal.

.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com

Advertisements