Home > WARARKA > Hindiya oo sheegtay inay qabatay 61 Budhcad Badeed Soomaali ah

Hindiya oo sheegtay inay qabatay 61 Budhcad Badeed Soomaali ah

Monday, March 14, 2011

Laaska News March 14,2011        News in English

Sida ay qortay AFP iyo warbaahin kale oo ka soo baxa Hiniya iyo meelo kale
Afhayeen ciidanka Badda ee Hindiya oo lagu magacaabo PVS Satish ayaa sheegay” Is rasaasayn ka dib,Ciidanka Bada ee Hindya ayaa qabtay 61 qof oo lagu tuhunsan yahay inay yihiin Budhcad Badeed soona furtay 13 kaluumaysato ah oo saarnaa dooni ay budhcadu ku  afduubtay badda Carbeed kuna ugaarsanayey”.

.
Afhayeenka ayaa raaciyay dhacdadaasi inay dhacday habeenimadii Sabtiga gudaha biyaha Hindiya.

.
Guud ahaan 13 kaluumaysato ah oo saarnaa doonida ay budhcadu ku ugaarsanayeen oo ah dooni Kaluumaysi oo  sidatay calanka Musambiik ayaa la soo badbaadiyay is rasaasayn yar kadib meel 1100 Km ujirta Xeebaha Galbeed ee Hindiya.

Doonida Kaluumaysi  oo lagu magacaabo Vega 5 ayaa la afduubtay bishii Disember ee sanadkii tagay waxayna ahayd mid ay budhcaddu u isticmaalayeen saldhig,waxaana laga helay hub yar yar sidoo kalena baasuukayaal iyo fuustooyin shidaal ah.

.

Budhcada la qabtay ayaa waxa hayn doona sida rasmiga ah ciidanka Ilaalada xeebaha  ee Hindiya,waxaan lagu samaynayaa baaris ay wada samaynayaan ilaalada xeebaha iyo Booliska dalkaa.

.
koox kale oo 15 ah oo Budhcad looga shakisan yahay -12 Soomaali ah,2 Itoobiyaana ah iyo hal qof oo kiinya ah ayaa maxkamad lagu soo taagayaa Hindiya waxyaalaha ay ku eedaysan yihiin ay ku jiraan isku day dil,kadib markii la qabtay bishii Janaayo.

.

Ugu yaraan 53 Hindi ah  ayay haystaan Budhcad Badeedka Soomaalidu,marka loo eego bayaanka uu ka akhriyay  Wasiirka Arimaha Dibadda SM Krishna baarlamaanka.

.
“Xukuumadu waxay qaadaysaa dhamaan falka ku haboon ee lagu ilaalinayo daryeelka badmaaxyada Hindida ah” ayuu sheegay isagoo ku daray tani inay ku jiri doonto dadaal heer dhinacyo badan ah  ayna waheliso Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa.

.

Warkan oo dhan oo  English ah ka akhri.

.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com