Home > TFG Somalia > Somalia:Afar Carruura oo gaajo iyo harraad u geeriyootay

Somalia:Afar Carruura oo gaajo iyo harraad u geeriyootay

Monday, March 14, 2011

Laaska News Monday, 14 March 2011

(RM) – Afar ruux ayaa abaaro iyo biyo la’aan ugu geeriyootay deegaanno ka tirsan Degmada Walaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose iyadoo tiro intaa ka badan ay la il daranyihiin gaajo iyo haraad.

Mid  ka mid ah Odoyaasha degaanka Cadeydheere oo ka tirsan Degmada Wale weyn ee gobalka Shabelleeda hoose ayaa Radio Muqdisho u sheegay in degaanka Cadeydheera  ay 4 caruur ah ugu geeriyoodeen gaajo iyo haraad,  kadib markii ay halkii ceel ay lahayeen   dadka degaanka oo Matoor ahaa uu ciladoobay,   abaartuna ay ku dabadheeratay dadka  degaanka.

Odoyaasha degaanka Cadey Dheere ee degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in dadka intii heli karta ay cabayaan biyo lagu soo dhaamiyay Booyad  iyadoo Fuusatii lagu iibinayo lacag dhan 70 kun oo Shilin Soomaali ah, taas oo  dadka badankii aysan awoodin in ay iibsadan biyahaasi lagu keenayo Booyadaha.

Qayla  dhaanta ka soo yeaysa dadka ku dhaqan degaanka Cadey Dheere ayaa qayb ka ah dhibaatyinka ay dhalisay abaarta waqtigeedu dheeratay ee wadanka jirta ee dadka iyo duunyada Saameysay iyo gar gaar la’aanta haysata shacabka dhibaataysan.
RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com