Home > ALL DARWIISH NEWS, SOMALIA, Somaliland, WARARKA > Keyse Cabdi Yuusuf & Xubno kale oo u talaabay Somaliland

Keyse Cabdi Yuusuf & Xubno kale oo u talaabay Somaliland

Tuesday, March 15, 2011

Laaska News March 15,2011

Burco (Laaska News) – Wararka laga helayo Magaalada Burco ayaa ku soo waramayaa in Keyse Cabdi Yuusuf oo horay uga tirsanaa SSC inuu shalay soo gaaray magaalada Burco uuna usoo wareegay ama usoo galay xagga Somaliland.

Mr.Keyse ayaan la ogayn sabta rasmiga ah ee keenay inuu u talaabo xagga Somaliland,waxaase la ogaan maalmaha soo socda.

Mr.Keyse ayaa la filayaa inuu waqtiyada fooda inagu soo haya uu ugudbo magaalada Hargeysa.

Dhinaca maamulka SSC ayaan ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com