Home > WARARKA > Odayaal u dhaqaaqay deegaanka Camaaro

Odayaal u dhaqaaqay deegaanka Camaaro

Wednesday, March 16, 2011

Laaska News. Wednesday, 16 March 2011

Odayaal iyo waxgarad ayaa ka amba baxay dagmada Cadaado ee gobalka Gal gaduud kuwaas oo ku sii jeeda deegaanno ay ku dagaalameen laba Maleeshiyo Beeleed oo ka soo kala jeeda Mudug iyo Gal gaduud.

Odayaal, Waxgarad iyo Culumaa’udiin ka baxay degmada Cadaado ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen deegaanka Camaaro, si ay u kala dhexgalaan isla markaana muwaafaqo u dhexdhegaan laba Maleeshiyo beeleed oo halkaasi isku fadhiya.

Odayaal, Culumaa’uudiin iyo waxgarad kale oo ka soo kala jeeda labada dhinac ayaa dadaal ugu jira sidii loo baajin lahaa colaad mar kale dib uga soo cusboonaata beelaha wadadega deegaanadaasi.

Dagaal beeleedyo hore uga dhacay deegaanadaasi, ayaa sababay khasaare farabadan oo soo gaaray dadka ku dhaqan deegaanadaasi.

RM.

.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com