Home > TFG (A+), TFG Somalia > Somalia:Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta – Warsaxaafadeed + SAWIRRO

Somalia:Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta – Warsaxaafadeed + SAWIRRO

Thursday, March 17, 2011

Laaska News March 17,2011.

 

 

 

17.03.2011——–Waxaa maanta shirkiisii caadiga ahaa isugu yimid golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KM ah ee Soomaaliya waxaana shirkaasi guddoominayay Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

 

 

Kolkii uu furmay shirka ka dib wuxuu gudoomiyuhu ka codsaday Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Wasaaradda Gaashaandhigga inay golaha warbixin ka siiyaan xaalada Amniga heerka ay mareyso oo ay si wanaagsan golaha ugu cadeeyeen qorshayaasha socda ee Amniga iyo Difaaca.

 

 

Warbixintaasi ka dib golaha Wasiiradu waxa uu shir gudoomiyaha oo ah wasiirka arimaha Dibadda golaha u soo jeediyay saddex murashax oo midkood loo magacaabo agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda asaga oo golaha u faahfaahiyay Taariikh nololeedkooda, heerka Waxbarashadooda iyo khibradooda.

 

 

Intaa ka dib wuxuu gudoomiyaha shirka Mudane Oomaar soo jeediyay in loo codeeyo Mudane Dr. Cismaan Maxamed Aadan in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda arintaas oo goluhu isku raacay magacaabidda mas’uulkaas.

 

Golaha Wasiiradda wuxuu kaloo dood dheer ka yeeshay arimaha Dastuurka oo ay Wasaaradda Arimaha Dastuurka Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta qorsha ay u soo jeedisay oo ay saddexda bilood ee socda ay ku howlgaleyso.

 

 

Xafiiska afhayeenka xukuumada

 

Mudane Cabdi Xaaji Gobdon

media@opm.gov.so

Muqdisho (RM).

This slideshow requires JavaScript.

Photo: Jowhar.

 

 

 

 

 

 

 

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com