Home > DJibouti, WARARKA > DJibouti:Olole taageero ah oo ka socda Jabuuti

DJibouti:Olole taageero ah oo ka socda Jabuuti

Monday, March 21, 2011

Laaska News Monday, 21 March 2011  
Jabuuti (RM) – Munaasabado lagu taageerayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo mar 3-aad isku soo sharaxay sii heynta talada dalkaasi, oo ay soo qabanqaabiyeen Soomalida ku dhaqan dalka Jabuuti ayaa xalay lagu qabtay magaalooyin ka mid ah wadankaasi.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka soconaya olole ballaaran oo lagu taageerayo Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geello oo mar sadexaad isu soo tagay Madaxtinimada dalkaasi, iyadoo xaflado waaweyn oo lagu soo bandhigay waxqabadka Madaxweynaha ee Tobankii sano ee la soo dhaafay lagu qabtay Magaalada caasimada ah ee Jabuuti iyo gaar ka mid ah magaalooyinka kale ee Dalkaasi.

Dadka xafladahaasi sameeynayay oo ahaa taageerayaasha Madaxweyne Geelle ayaa muujinayay sida ay ugu faraxsanyihiin in mar sadexaad la doorto Madaxweeyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa mar sadexaad isu soo taagay doorashada Madaxtinimada dalkaasi,  kadib mudo 10 sano ah oo uu talada dalkaasi hayay.

RM.
Laaska News.

www.laaska.wordpress.com