Home > WARARKA > Duqayn cusub oo cirka ah oo ka socota Libya

Duqayn cusub oo cirka ah oo ka socota Libya

Monday, March 21, 2011

Laaska News/MT  March 21,2011

Diyaaradaha dagaalka ee huwanta ka soo horjeeda Qadaafi ayaa maalintii labaad ku haya duqayn cirka ah ciidanka dawladda.

Tripoli waxaa lagu arkay qaraxyo iyo qiiq samada galay oo ka kacay meel dhaw dhismaha Qadafi BBC da ayaa soo tabisay.

Difaaca cirka ee Qadaafi ayaa isdhimay taasoo keentay inaysan diyaaradaha huwantu aysan sidii hore culays badan kaga iman dhulka.

Goor hore 4 diaayradood oo ay leedahay Denmark noocooduna yahay F16 Fighters ayaa ku noqotay Denmarka kadib markii ay soo fuliyeen 5saacadood oo hawl gal ah.

Denmark ayaa  6 diyaaradood oo Fighter ah iyo 132 Askari kaga qayb qaadatay duulaanka Xukuumada Qadaafi oo hadda ay ku eedaynayaan kaligii taliyaha Libya.

.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com